Hooyo Iyo Labadeeda Carruur Ah oo Gaajo Ugu Geeriyooday Gobolka Mudug

Posted by on Apr 18th, 2017 and filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

bad-newsDeeganka Hilme ee gobolka Mudug ayaa lagu soo waramaa in Hooyo iyo labo carruur ah oo ay dhashay ugu geeriyoodeen gaajo iyo haraad, kaddib markii ay saameysay abaarta halkaasi ka jirta.

Cali Aadan Dheere Guddoomiyaha deegaanka Hilme ayaa sheegay in biyo la’aan ay ka jirto deegaanka iyo deegaannada ku xeeran, waxaana uu intaa raaciyay in fuustidii biyaha ay ka joogto 180kun, taasi oo maalmihii dhawaa la waayay.

“Saddex qof ayaa dhintay, waana hooyo iyo labadeena carruur ah, gaajo iyo haraad ayay u dhinteen, baraakadihii ay biyaha ka cabi jireen waa ay jabeen, mana jiraan meel ay dadka xoolo dhaqato aadaan, maadaama ay xoolihii ka dhamaadeen” ayuu yiri Cali Aadan.

Inta la xaqiijiyay labadii todobaad ee la soo dhaafay dadka u dhintay abaarta ka jirta gobolka Mudug awgeed waxa ay gaarayaan 16 qof.

Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

WordPress Themes

Advertisement

Recently Commented

WordPress Themes
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology