Madaafiic Galabta Lagu Garaacay Muqdisho

Posted by on Apr 18th, 2017 and filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

hoobiyeDhawr xabo oo hoobiye-yaal ahaa, ayaa gelinkii dambe ee maanta lagu garaacay Magaalada Muqdisho, iyadoona jugtoodu laga maqlay xaafado badan oo Caasimadda ku yaala.

Hoobiye-yaashan oo aan weli la garanayn halka laga soo tuuray, ayaan sidoo kale la aqoon halka uu bartilmaameydkoodu ahaa.

Hoobiye, ayaa galabta ku soo dhacay iskuul ka soo horjeedka Xarunta Degmada Hawlwadaag, xilli ay ardaydu qaadaneysay xiisadaha ka baxa iskuulkaasi, waxaana la xaqiijiyay in hal arday ku dhintay, halka saddex kalana ay ku dhaawacantay.

Hoobiye kale, ayaa ku soo dhacay xaafadda Tokyo ee Degmada Hawlwadaag, iyadoo uu ku dhintay nin dhalinyaro ahaa, halka laba kalana ay ku dhaawacantay.

Madaafiicda kale ee lagu garaacay magaalada, ayaan faah faahin laga hayn goobaha kale ee ay ku dhaceen, saacadaha soo socda ayaa la fillayaa in faah faahintooda la helo.

Axadii ayay ahayd markii Degmada Wadajir lagu toogtay laba ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab, oo tuureysay madaafiic lagu weeraray dhinaca Garoonka Aadan Cadde.

Al-Shabaab ayaa inta badan sheegta mas’uuliyadda weerarada lagu carqaladeynayo xasiloonida Magaalada Muqdisho.

Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

Weboy

Advertisement

Recently Commented

Weboy
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology