Beesha Caalamka oo Soo Dhaweysay Dhismaha Golaha Amniga Qaranka

Posted by on Apr 18th, 2017 and filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Beesha_Caalamka_Warsaxaafadeed_660Qaramada Midoobay iyo Beesha caalamka ayaa soo dhaweeyay dhismaha Golaha amniga Qaranka kaas oo lagu dhisay shirkii dowladda Federaalka ah iyo maamul goboleedyada ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Ergayga Qaramada Midoobay ee Somaliya, Michael Keating oo arrintaasi ka hadlaayey waxa uu sheegay in dhismaha Golaha ay xoojineyso dowladnimada iyo amniga dalka.

Keating, waxaa uu intaa ku daray in Beesha caalamka sida UN, AMISOM, IGAD, EU, Italy, Ethiopia, Sweden, Turkey, the United Kingdom iyo Mareykanka ay soo dhaweynayaan tillaabadaasi.

Kulan 3 maalmood ka socday Muqdisho ayey dowladda Federaalka ah iyo maamul goboleedyada dalka isku afgarteen dhismaha Golaha Amniga Qaranka kaas oo ka kooban labo heer.

1. Madaxdu waxa ay ansixiyeen qaab-dhismeedka cusub ee Golaha Amniga Qaranka oo uu guddoomiye u yahay Madaxweynaha Jamahuuriyada Federaalka Soomaaliya.

2. Madaxdu waxa ay sidoo kale go’aamiyeen dhismaha goleyaasha amni ee heer Dawlad-goboleed, oo ay guddoomiyeyaal u yihiin madaxwaynayaasha Dowlado-goboleedyada.

Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

WordPress Themes

WordPress Themes
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology