Ra’iisal Wasaare Kheyre oo Kormeer Kedis Ah Ku Tegay Wasaaraddo+Sawirro

Posted by on Apr 18th, 2017 and filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Raisul-wasaarahaRa’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kormeer kedis oo aan hore loo sii ogayn ku tagay Xarumaha Afar Wasaaradood, isaga oo  soo indho-indheeyay  Hannaanka shaqo ee hay’addahaasi.

Wuxuu mid mid u galay xafiisyada Wasaaraddaha Warfaafinta, Wasaaradda Kalluumeysiga, Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Haweenka iyo xaquuqul insaanka, waxa uuna mid mid u wareystay agaasime waaxeedyada, waxa uuna ka wareystay horumarka iyo caqbadaha howlaha shaqada.

“Sababta aan sida kediska ah idiinkugu soo booqday waxay tahay inaan hubiyo Hannaanka shaqada ee Wasaaradahan, waxaana si joogto ah booqasho ugu imaan doonaa dhamaan xarumaha Wasaaraddaha iyo hay’addaha kale ee fulinta” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Kheyre.

Intii uu ku guda jiray kormeerkan howleed, Ra’iisal Wasaaruhu wuxuu tagay xafiisyada Wasaaradda Warfaafinta iyo Hannuuninta Dadweynaha, isaga oo xafiiskiisa ugu galay Wasiirka Warfaafinta Ing. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow), oo xilligaasi ku jiray howlihiisa shaqo, waxaana uu si guud u kormeeray qeybaha kale ee xafiisyada Wasaaradda.

“Shaqaalaha Wasaaradaha waxaa laga rabaa inay kordhiyaan wax soo saarkooda iyo howlohooda shaqo, xukuumadeyduna waxay ku dadaaleysaa inay helaan xaquuqdooda iyo agabka shaqada si loogu sahlo Hannaanka shaqada.

Gabagabadii, Intii ay socotay booqashada, ra’isul Wasaaruhu wuxuu goobihii uu booqday kula kulmay shaqaalaha caadiga ah ee wasaaradaha, iyadoo inta badan wasiiradii iyo wasiir K/xigeenadu ay shaqada ka maqnaayeen.

raisul-wasaaraha-1raisul-Wasaaraha-2raisul-wasaaraha-3raiusul-wasaarah-5Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

Free WordPress Theme

Advertisement

Recently Commented

WordPress Blog
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology