Guddi Wasiiro Ah oo Loo Magacaabay Wada Hadalka Ahlu Sunna Iyo Galmudug

Posted by on Apr 18th, 2017 and filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

shaakirGuddi Wasiiro ah ayaa loo magacaabay wada hadal siinta Maamulada Galmudug iyo Ahlu Sunna, guddigaasi waxaa ku dhawaaqay Ra’iisal Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre.

Wasiirka arimaha gudaha Somaliya Cabdi Faarax Siciid (Juxaa) Iyo Wasiirka arimaha Dibada Somaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa madax looga dhigay inay hormuud ka noqdaan wada hadalka Galmudug iyo Ahlu Sunna dhexmari doona.

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ayaa sheegay dowladda inay juhdi badan ku bixineyso sidii looga mira dhalin lahaa wada hadal siinta Galmudug iyo Ahlu Sunna, si meesha looga saaro wax kasta oo labadan dhinac ay ku kala aragti duwan yihiin.

Guddigaan Wasiirada ah ayaa la amray inay si wanaagsan uga shaqeeyaan isku soo dhaweynta Maamulada Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Maanta oo tallaado ah ayaa lagu wadaa in wada hadalkaan uu ka furmo Magaalada Muqdisho, maadaama waqtiga la haysta uu yahay mid kooban, wada hadalkana la doonaayo in la dedejiyo.

Galmudug ayaa 30-ka Bishan waxaa ka dhacaya Doorashada Madaxweynaha Maamulkaasi, maadaama dowladda ay codsatay in dib loo dhigo doorashada, lagana dhigo waqtigaasi.

Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

Free WordPress Themes

Advertisement

Recently Commented

Free WordPress Themes
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology