Hurdaayow Toos, Hadaad Afweyne Dhimasho Ku Ogeyd Ogow Afweyne Yare Inuu Dhashay

Posted by on Apr 9th, 2017 and filed under KEYDKA SAWIRADA IYO XULKA WARARKA, MAQAALO, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

afweyne yarreHadalada nifaaqa gaamurey ka muuqdo ee uu marwalba shacab weynaha Soomaaliyeed si qiireysan ujeediyo Madaxweynaha lab lakaca lagu doortey ee Dowlada Federaalka Soomaaliya, FarmaajoAfweyne Yarre” ayaa ah kuwo laga soo min guuriyey haraadigii Afweyne ee heriyadiisa soomaali 26 sanno ka hor iska tuurtey,hadaladaasi oo ku salaysnaa nidaamkii Hanti wadaaga Dulmiga ku dhisanaa waxaana ka mid ahaa, SOMALIYA SOMALI BAA LEH,QABIIL DIIDNEY OO DUUGNEY,SINAAN,CADAALAD HORMAR, BARWAAQO,SOMALIYA HANOOLAATO,SOMALIYA HA ISRAACDO,HA MIDOWDO, GUULEYSTA iwm.

Hadaba hadaladaasi oo somaali inta Da’doodu 40 jir kor u dhaaftey ayaa xasuusta waa hadaladii Afweyne Awr kacsiga u ahaa oo aanay waxba ka jirin.

Haddaad u fiirsato markuu Afweyne Yarraha hada dalka Madaxweynaha ka ah qudbeynaya in badan oo hadaladii Adeerkiisa ayaa afkiisu kasoo butaaca taasi oo la oran karro inuu yahay shaqsi Aargoosi iyo dhameystirkii howlihii ay ka carareen haraadigii Siyaad Barre u heelan waxaanu qormadeenu ku cadeynaynaa inuu arinku sidaa yahay qodobadan:

1-Afweyne Yarre inuu qabyalidiiste xaqiir ah yahay waxaad dib u eegtaan buugii teesihiisa Master-ka uu ku diyaarinayay waxaa uu beelaha Digilmirifle ku tilmaamay dad tiro yar oo beer qodato la quursado ay yihiin, qoraalkaasi ayuu kaga dhabeeyey xulidii golaha Wasaaradaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo ku dhisnaa Awood qaybsi, wuxuuna ka ilaaliyey Wasaaradaha siyaasada iyo deegaanka qaabilsan wuxuuna dhameystirayaa walaalkii waa Reysal Wasaarihii Xasan Sheekh cayrin jirey waa Cabdiweli Yuul oo horey soohdin u dhigey Baydhaba iyo Baardheere kana dhigey sidii Koofurta Kuuriya iyo Waqooyiga Kuuriya.

Waxaad xasuusataan in xildhibaano Digilmirifle kasoo jeedo oo hal ilaa labo ah oo waxyar dareen ku jira ayaa ka qayliyey qaybtanka xaaraanta ahaa wuxuu ku jawaabay anugu qabiil wax kuma soo xulin qaranimo ayaan kusoo xuley taasi oo ah ereyadii adeerkiisa ku awrkacsan jirey.

2- Sidaad ka warqabtaan Wasiirka Dastuurka , Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Wasiirka Qorsheynta waa hogaankii Jabarti Ismaciil dhashiisa sida ay sheegan jireen, hadaba waxaa inagu soo fool leh in 2020 la rabbo ka hor in dastuurka la dhameystiro soohdimaha maamul goboleedyadana la yagleelo.

Akhristow dadka wax loo qaybinaya waa Digilmirifle iyo Hawiye waxaana qaybinta gacantooda ku jirta Ilma Jabarti oo Aabahooda horey Somaliya oo sided gobol ka kooban tobon gobol kale uga dhex abuurey taasi oo ah mida Daarood uu marwalba gobol halagu qaybtamo ku haya Gowso Abeeso hoos bey ka xiriiraan horaa loo yiri, weli ma maqashey aragtidaasi oo qof Daarrood ama beel Daarood kasoo jeedo oo diidan dhabtu waa maya.

Hadaba waa marag madoonto qabyadii Adeerkii Afweyne dhamaystirkeeda inuu u tafa xeytey Afweyne Yare.

3- Magacaabistii Madaxtooyada min agaasime ilaa shaqaale ilaa hada inta la shaaciyey waa 22 qof waxaa Hawiye ka ah 4 qof oo hoyadoodu ay tahay Mareexaan iyo 2 Murunsade ah,waxaa la yaableh Digilmirifle hal qof oo waardiye ah xataa ma magacabin xil sarre iskaba daa malaha hooyadooda ayaa Mareexaan laga waayay ama xasaskooda.

Hadaba aqristow intaan soo xusey intaan maqlin iney ka badan tahay waan hubaa waxaase waaga ku baryi doona Hawiye iyo Digilmirifle markey Muqdisho Marti ku noqdaan sidey waa ahaan jirtey .

Isku soo wada duub hadaanan la daba qabanin dhagarta geed ku gabadka lahayn ee Tiirkii Shanta Daarood ku maldahan waxaa lama huraan noqon doonta FARJANO IYO MEEL KA FOG.

RUNTA WAA RAAXO

Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

17 Responses for “Hurdaayow Toos, Hadaad Afweyne Dhimasho Ku Ogeyd Ogow Afweyne Yare Inuu Dhashay”

  1. Hibaaq says:

    walee waa yaab, qabiilka goormee ka gudbi doonaa soomaaliyay.?

  2. jurile says:

    Eelaay Weligod Cawaad Kama Bixi Doonaan. dowladnimo wax idin dhaamo amalahan ee dadkiina kala raaca intuu wakhtiga idinku dhicin. soomaali way israacday yaa la idinka tagin waa iga waano.

    • mm says:

      Dowlad nin doon kuyimid dowlad la aan ayaa dhaanto shaley hadii lahurdaayey maanta waan soo jeeda anaa kudoortey anigaana kuridi doono insha llah

  3. deeq xasan says:

    digil iyo mirifle waxa ka maqan ayaan garan la ahay runtii hadii intaad heshaan dood ka qabtaan maxay tahay waxa aad raadinaysaan digil iyo miriflow. ha lagala saaro dowladnimada iyo qabiilka.

  4. maadow says:

    jurilow, ogow in cadaalad darada uu afweyne yare ay soo afjarmi doonto, digil iyo mirifle waay garanayaan sida ay xaqooda usoo dhacsadaan. wuu ku mahadsan yahay qoraaga qormadaan xaqiiqda xanbaarsan noo soo bandhigay. thanks

  5. marqaati says:

    Hadalada coments ah waxaa ay muujinayaan inaan degaal sokeeya dhamaan sadaasashi oo horey qubaro uga hadleysey been ayaan modayay laakiin Somali waa israacdey iyo yaan la idinka tegin waa war dhiilo leh faidaddeedana kuwa sed bursiga wata ayaa ka dhergi doona.

  6. Hakaba says:

    Sc Ey ke’deeri ariikan

  7. Jaraaye says:

    Fadhiido aan xaarka iskadhaqi karin in
    Lagadhaqana ogoleyn baatahay .. waligaa
    Daarood kuhey and you are running out of time
    Jaahil

  8. kuriiko says:

    daroot oon yaman loo celinin somaliya ma hagaageyso meeshi ay ka soo tahriiben darootka waa in loo celiyaa waa in looo celiya xoolihi ay ka qali jireen yaman taas aa somaliya dhan dan ugu jirtaa

  9. Jaraaye says:

    Shariifka kusaaran iskaga kadaloob waligaa
    Markuu kaadagana arag .. kkkkkk digil iyo
    Mirifle.is the shariifka aad ukadaloobto from a
    One of these tribes/ clans . Jaahil isasoo
    Astur Adi markahore markaas Daarood
    Kahadal

  10. Hawiye says:

    Anagu Afwayne maalin cad ayaan ka saarnay Muqdisho haddana na qabsan maayo Afwayne Yare laakin waxaa wanaagsan in si xaq ah wax lagu qeebsado. Daarood waxaa ka maqan cadaalad-xaqa qofka Muslimka in la siiyo. Bal hadda arag sida u dhawaaqayo Jurile. qof ayaa runta sheegay haddana ma ogola. Laakiin Afwayne Yare waqtigiisa ma foga daacadna ma aha xaqna ma rabo.
    Daarood inta laga gacan sareeyo waa miskiin laakiin mar haddii awood helo wuu isbedelayaa isla markiiba mana xasuusto markii hore.

  11. abdiweli says:

    I AM VERY HABBY XAQIIQDA AY ISHA BAYDHABA NOO SOO GUDBISEY WAXAN LEEYAHAY WAD KU MAHADSAN TIHIIN MAR WALBANA NOO SOO GUDBIYA AFWEINE YARANA WAXAN LEEYAHAY TUUG CAWADIISU WAA AFARTAN BATI KU SOCO SIDA AAN HDA KU SOCOTO MAR UN BAAN KU QABAN DOONAYE WAXII HORANA WAA LAGA SOO GUDBEY QABIIL QABIIL KA AWOOD BADANA HADA MA JIRO SO KA FIIRSO IN AADAN FALIN AFWEINE YAROW DIGIL IYO MIRIFLOW IDINKANA FOO JIGNAADA I.A

  12. Jaraaye says:

    Xoog badanaa kkkkkkkkkkkkkk
    Kkkkkkkkkkkkkk unuku sideed iyo sagaal =17
    Yaanagadaasa ma ohooo? 17 qabiil oo asharaaf
    B iyo T midna qorin duleystay kkkkkkkkk hadana
    Daarood laacaahaya

  13. Jaraaye says:

    War Daarood in lacaayo lagulama tartamo
    Ee ilaah baa calafka iyo dadnimada bixiya ee
    Bakaartaada iyo dameerahaaga.. aana isku imaano
    Markaad abuu sakiin kasooxorowdo sagookale Daaroodka
    Geela iyo ariga ayey raaciyaane

  14. marqaati says:

    waryaahe sakiin sow ma aheen qofkii Xidig gumoye barlamaan u raadinayay haduu xun yahay wuu nawada hayaa ogow

  15. mow mow says:

    waryaade carabkiina ma ilaalisaan,waa la dhiman doonaa

Leave a Reply

Premium WordPress Themes

Advertisement

Recently Commented

Premium WordPress Themes
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology