Damqasha La’aanta Shariif Xasan Iyo Danleyda Hey’adaha Sun Abuurka Ah Ayaa Ka Mas’uul Ah Dib U Naqasho La’aanta Barakacayaasha K/galbeed

Posted by on Apr 8th, 2017 and filed under Af-Somali, MAQAALO, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

shariif xasan iyo barakacayaashaMarka Hormar umadeed laga hadlaayo waxaa amaanteeda iska leh Hogaanka umadaasi taasi oo sharaf iyo cizo uu ku helo isaga iyo qoyskiisaba,haddii umadi dib u dhac iyo baaba’ kasoo kabashadiisa ay fogtahay ku dhacdana hadana waxaa magac xumadaasi huwanaya qofka hogaanka u ah shacabkaasi dandaroobey.

Hadaba iyadoon aanan isbarbar dhigi Karin hogaamiye umadiisa dacad u ah iyo Madamqade Shariif Xasan ayaanu waxaan in yar dib u jaleecaynaa Dalka Sudaan siduu ahaan jirey iyo halyeyga ka dhiidhiyey in dadkiisa gacan hoorsi ku nolaadan.

Madaxweyne Cumar Al-bashiiri markuu hogaanka dalweynaha Suudan uu qabtey shagashamaadkii waxaa uu dadweynaha Sudaan u sheegey labo erey oo taariikhdiisa baal dahab ah ka gashey kana dhigtey halyeyada African Muslimka ah kuwa safka hore kaga jira.

Hadaba Al-bashiiri wuxuu yiri hadaanu nahay ehelkii Sudaan, WAXAANU CUNAYNAA WAXAANU ABUURANAY,WAXAAN XIRANEYNANA WAXAAN SAMAYSANAY.

Isla maalintaasi dekadaha Suudaan oo ku xirneyd inka badan boqol markab oo deeqo kala duwan oo dano siyaaso ka danbeysa ku duugneyd ayuu ku yiri waxba sudan idinkagama baahna baroosimadiina furta oo ka taga sudaan lix sacadood gudahooda kuwa gudaha sudaan deganaana 7-maalmood ayuu u qabtey.

Hadaba anoon kusii fogaanaynin Al-bashiiri waxaa marag madoonta ah in Maanta Sudaan ay tahay wadan Badbaadiyihiisa heley.

Hadaan u laabto baabi’inta ay  sharing ku noqdeen Shariif Xasan iyo Dhagar qabayaasha lagu magaabo International NGO’s iyo kuwa localka ahba waxaa xaqiiqo ah barakacayaasha Koonfur Galbeed meelkasta ay joogaan haddii si dhab ah tiradoodu looga run sheego inaanay ka badneyn Toban Kun Qoys.

Mar haddii gudiga deeqa abaaraha DFS ay samaysey K/G lasoo siiyey lacag dhan 430.000 {afar boqol iyo sodon kun oo dollar} bal aqristo hadday daacadi jirto miyaanay qoyskiiba $400 (afar boqol oo dollar) oo lacagtaasi ku soo aadi lahayn ,taasi oo abaarta ay kaga bixi karaan dhan walba laakiin badankeedu kanbeyn aanu lagu faa’idin ayaa lagu galay weliba xisaabti Alle S/W  ay sii dhiman tahay.!

Sidoo kale iyadoo roobkii inta badan demooyinka iyo tuulooyinkuba raxmaadkii Eebe ay heleen hadan ka Baydhabo ahaan waxaa maalintii qoysas lugahooda ay dhiiqo ka muuqato Baydhabo kusoo aruura celcelis ahaan walinwalba ilaa konton qoys ay imaato.

Hadaba sababaha iyadoo Raxmaadkii eebe oo hada qoraalka aan qorayo koofurta Baydhabo roob aad u xoogan ka da’ayo dadkuna ay baydhabo kusoo aruurayaan ayaa ah qodobadan oo cinwaanka la xiriiraan.

1-iyadoo hay’adaha Calamiga ah iyo kuwa maxaliga ahba dhamaadkii bisha Maarso ee aan soo dhaafney ayay waxaa ay bilaabeen mashruuc ah in qoyskii $70 (tobatan dollar) lasiiyo.

Taasi oo laga dhigey dadkii mudnaa aanan lasiinin inta badan lagu taxay dad baydhabo daaraheeda degan weliba waxaan aragnay guri sided ruux ka kooban oo sideeduba loo qorey lacagtii oo bishii maarso qaateen.

Sidoo kale waxaan u aragney dad badan oo magaca lacagaha lagu qaadanayo tuulooyinkooda markay u cawdeen hay’adaha layiri magaca tulooyinkaasi horey ayay u baxeen oo uu yaraan waxaa lasiiyay madaxa heyadaasi beeshiisa madama dhanka tuuladiisa horey ula baxay kuwa maqana uu ku buxsado weyna dhacdaa.

2-iyadoo goobihii Al-shabaabka gacanta ku haysey oo inta u badan ah maamulka uu yiri deeq lama geyn karro meel shabaab joogo amarkaasi ayaa dadkii barakaca siyaadada ah uu qayb ka yahay.

Hadaba hadaanay awood u lahayn in dadka ay mas’uulka ka yihiin iney goobtooda ku qudiyaan miyaanay ka haboonay degaanadu waa beelo isu tagay in malaaqyadooda iyo waxgaradkooda sidii dadkaasi deeqda ay ku gaarsiin lahayeen mise soo barakaca baydhabo imaada ayaaba Siyaasiga aragtida dhowleh dantiisu tahay.?

Dhab ahaan beelo is xilqaamay oo lacago iska aruuriyay ayaa degaanada shabaabka xukumo deeqdii gaarsiyeen iyadoon boob iyo bar ii reebta Maamulka Shariif aanay dhicin.

Ugu danbeyn mar haddii dadkii baadiyaha deganaa baydhaba dollar iyo raashin lagu qaybinaa la yiri cid wax u haysana aanay jirin beerihiina roobkii sanadkaani oo idil Alle bari loogu jireyna yimid Abriilna ay tahay xiligii abuurka oo tobonkeedi hore dhamaad yahay miyaanay ahayn abaarta Shariif Xasan iyo NGO iney bilaabatey tii xag Allena uu raxmadiisa inoogu deeqey.

Isku soo wada duub Koonfur Galbeed waxaa ay u baahantahay Mas’uul Dadkiisa u damqada hadduu wax u waayana Alle S/W u baryo una soomo istiqfaarka badiyo sidey tariikhdu sheegto C/rashiid Cali Sharma’arke isagoo sooman oo Alle bari ku jiro ayuu ku geriyoodey lascanood oo Abaar daran ka jirto.

Lakiin Shariif Xasan markii uu Cisbitalka Baydhabo uu la booqanayay madaxdii UN-ka kasocotey, isaga sanka ayuu haystey halka dadka ajanabiga ahna caruurta kor uqadayeen walaal Tariikhda maduugowdo mana doorsonto.

Runta Waa Raaxo

Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

2 Responses for “Damqasha La’aanta Shariif Xasan Iyo Danleyda Hey’adaha Sun Abuurka Ah Ayaa Ka Mas’uul Ah Dib U Naqasho La’aanta Barakacayaasha K/galbeed”

  1. marqaati says:

    Asc,Ishabaydhabo waad ku mahad santahay ka run sheega dalkeena waxayna wax tari doonta wanadaada jiilka soo koraya kuwan in lagu tukado ayaa u dhiman mahadsanid

  2. dulmi deed says:

    Wali maku mashkhuulsanahay in madaxweynaheena cayso.

    Alle dukhan maxuu kubatay sheegadka ree wen.
    Ilaahey ha idin ziya adiyo.

    Maxaa ugu hadli la dahay hakha laga khaatey kheebsiga 4.5 taliya police ka

    Farmaayo waa maxaa tiri oo waa kacabsaneysaa sow ma ahan.

    Khalinle kudayo waajid express

Leave a Reply

Premium WordPress Themes

Advertisement

Recently Commented

Premium WordPress Themes
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology