Tacsi, Danjire Nuur Faarax Xirsi

Posted by on Apr 4th, 2017 and filed under TACSI, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

TacsiInaa lilaahi Wa inaa ilayhi Raajicuun

يَا أَيَتُهَا النَّفْسُ الْمُطْمَئِنَّةُ ارْجِعِي إِلَى رَبِّكِ رَاضِيَةً مَرْضِيَةً فَادْخُلِي فِي عِبَادِي وَادْخُلِي جَنَّتِي )) ))

Anigoo ku hadlayo magaceyga iyo kan Diplomasiyinta Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Isutaga Imaaraadka Carabta, ayaa waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh ugu dirayaa qoyskii, eheladii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Danjire Nuur Faarax Xirsi oo ahaa Wasiirkii hore ee Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee xukuumadii hore kaas oo ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaalada Muqdisho, kadib xanuun la soo gudboonaaday dhamaadkii bishii hore.

Marxuum Nur Farah Hersi oo bartay xiriirka caalamiga, ayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ku biiray bishii February 2013, aydoo Bishii March, 2014 kiina loo magacaabay inuu safiir ka noqdo dalka Malaysia, bishii February 06, 2015 loo magacaabay Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, xilkaasi oo uu ku shaqeynayay tan iyo intii uu noolaa.

Allah u naxariisto, Danjire Nuur Faarax Xirsi waxa uu ahaa halyey wadani ah, jecel qarannimada, u adeegay dadkiisa iyo dalkiisa, Haddaba, annagoo ka murugeysan , kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka, ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto, qabrigiisana u waasciyo qoyskiisa, ehelladiisa iyo asxaabtiisana samir iyo iimaan ka siiyo – Aamiin.

Cabdulqadir Shiikhey M. Al-hatimi

Danjire

Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

Weboy

Advertisement

Recently Commented

Weboy
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology