Ma Ogtahay Wasiir Maxamed Farkeeti Inuu Noqday Wasiirka Ugu Fiican Inta Soomaali Dowladnimo Heshay Mase La Socotaa Wax Qabadkiisa (WARBIXIN)

Posted by on Mar 21st, 2017 and filed under Af-Somali, KEYDKA SAWIRADA IYO XULKA WARARKA, MAQAALO, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

FargeetiSoomaali  waxaa ay leedahay Abtirsiimo Beeleedyo farabadan  balse si loo yareeyo dad baa ku fikirey wax la yiraahdo 4.5 iney wax ku qeybsato,waxaad mooda in cabasho badan ka taagan tahay qaybtankaasi.

Hadaba dowladnimada Somaliya oo u muuqato iney xoogoweyso waxaanu qabnaa in dadka soomaaliyeed abtirsimadooda kusoo aruurtey Laba Beel oo la kala yiraahdo DOWLAD KU NOOL IYO QABIIL KU NOOL.

Hadaba Dowlad Ku Nool waa Soomaalida Dowladnimo macaankeeda soo aragtay, waxsoo bartey, Aabe Dowlad u soo shaqeeyey waxbartey, waxna soo baray caruurtiisa ayaa ah Dowlad ku nool.

Qabiil Ku Nool waa kuwa marwalba qaybtan beeleed ka hadla waxay dowladi tahayna Sheeko wuxuu ku maqlay iyo kooxdiisa Wasiir Beeleed, Sarkaal Beeleed wuxuu arkay ah dowlad mooda waayo kooxdani macaanka dowladnimo ayaa ka maqan marka Soomaali One Man One Vote laga hadlayo xataa haday dani ugu jirto wuu diida wuxuuna ka baqaa in haddii arinku Beel dhaafo berito uusan wax heli doonin.

Akhristow haddaan qormada dulucdeeda u laabto waxaad xasuusan tihiin laba sanno iyo dhowr bilood markii Wasaarada Maaliyada loo doortey Mudane Dr. Maxamed Aadan Ibraahim Farkeeti, waxaan ka qorney Maqaal la yiraahdo. MA WADADII MAS’UULIYIINTI D&M XILKANI HOREY USOO QABTEY MIYAAD MAREYSAA MISE SCORE CUSUB AYAAD DHIGEYSAA?

Hadaba Sadar muuqda Su’aal ka dhan ayaa Soomaali ka maqli jirey, waxaa hubanti ah Wasaarada Maaliyada keliya ayaan kala hadleyne balse waxaa ficil ahaan inoo tusey wasiiradii dowladaha Soomaaliya soo wada maray ka D&M ahaan wasiirkii ugu fiicnaa ayuu noqdey waxaana ku cadayneynaa waxqabadkiisa oo aanan hal habeen qormo ah lagu soo koobi Karin balse qaybo ka mid ah idin lasocod siino.

Farkeeti_Wasiirka_Maaliyadda_Somalia_FPa-Mudane Fargeeti xiligii Mas’uuliyada Maaliyada Soomaaliya loo igmadey wasaaradu waxaa ay u shaqeynaysey sidii baqaar lacag loo dhiibtey oo beesha Caalamka oo deeqda dowlada ku shaqeyneysey inteeda badan ay dhibeysey, waxayna ka weysey wax system ah oo feedback ay dalacdaan iney sidii loogu talagalay ku baxdo hantida qaranka Soomaaliyeed.

Hadaba waa qofkii hakiyey lacagihii la iska daabulanayay xisaabtana waxaa uu bilowdey markuu wasaarada uu habeeyey waa midey tariikhda Soomaliya ay xusi doonto, habeyntaasina uu ku heley Respect beesha caalamka oo idil in heshiisyada Maaliyadeed uu keligiisa lasoo saxiixi  jirey wallow hortiisa wixii maaliyad ah madaxweyne ama R/wasaare borsoyinkooda soo buuxsan jireen.

b-Mudanuhu wuxuu wasaarada ka dhex abuurey shaqooyin fara badan taasi oo shaqaale farabadan shaqo ka heshey isagoon kala sooc beleed eegin ayuu shaqaalaha Soomaali si siman u kala shaqaleyey, qaasatan Beelaha D&M beeshu kasoo jeedo ay noqotey mida shaqada ku yar isagoo inta kale badankoodu maanta caruurtooda nolol u helley.

c-Waxaa uu deeqo waxbarasho dibada iyo gudahaba ah kartidiisa iyo dadnimadiisa ugu deeqey ku dhowaad 500 Ardey Soomaali oo idil ka kooban, waxayna wax ku kala bartaan gudah:Muqdisho, Hargeysa, Bosaaso. Dibada KSA, Kuwet, Khadar, Sudan, Indonisiya, Malesiya iyo Ugand.

FARKEETIHadaba hadaan soo koobno wax qabadkiisa waxaa Soomaali ay ogsoon tahay in wasaradaha qaarkood wasiirada magac ahaan u shaqeeyaan ee hawsha iyo amarkeeduba Agaasimayaasha xaaraan ay ku haystaan, laakiin Maxamed Fargeeti wuxuu noqdey mid laga loodin waayay shaqadiisa taasina waa karti iyo dadnimo uu dheer yahay wasaaradaha kale ee qayb ahaan D&M wasiiradooda uga shaqeynayeen.

Mudane Fargeeti waxaa uu dowlada Federaalka Soomaaliya ku noqdey qof markii uu joogo la Casiiso markuu maqan yahayna la Xasuusnaado, lana weydiisto inuu imanayo iyo in shirka lasii wadan karro.

Sidoo kale Wasiir Maxamed Aadan Fargeeti wuxuu noqdey wasiirkii ugu horeyey ka qayb qaatey Samafalada ka socda degaanka uu kasoo jeedo waxaana lagu xasuusta inuu ka mid ahaa kuwa ugu gacanta weyn xurmeynta bisha Barakeysan ee Ramadaanka uu Saa’imiinta wax heysan afur nin weyn uu siin jirey.

Waxaa kaloo samafal ah ka qayb qaatey dhamaan ardadii class mate ka ahayeen ee geriyoodey nolol iyo waxbarasho intuba caruurtoodu usmaynayay.

Washington6Isku soo wada duub abaarta hada jirta iyo biyo la’aantuba inka badan 35 berri ayuu 40 tuulo iyo barakacayasha Baydhabo jooga waraabiyey rashiina in lagu farxo uu ka baxshey.

Hadaba aqristow haddii mudane Maxamed Fargeeti markuu caadi ahaa umadiisa u gurmanayay, haduu mas’uul naqdo miyaanay aheyn mid anfaca Umada Soomaaliyeed, Qaranka  Soomaaliyeed iyo Qowmiyadiisa uu ixtiraamka badan u hayo.

Annoo soo koobayo, waa hubanti umada Soomaaliyeed Dowlad wanaagsan ayay u ooman tahay, Dowlada Soomaali hogaan u noqotana iyaduna waxay u baahan tahay qof daa’dihiya, Dowladnimadeeda suga.

Hadaba, Haddii Dadka Bahidiisa iyo Dowladnimada Bahideeda Dib u Eegno, Yaa Ka Derejo Mudan In Darka Ugu Horeeya Ee Dibada, Dr. Maxamed Aadan (Fargeeti) Daadihiye Waa Adiga La Yiraahdo.

Isku soo wada duub haday dadku dowladnimo doonayaan dalkuna dowlad wanaagsan rabbo sow ma ahan, Dr. Maxamed Fargeeti kii diidaya, Damiin, Damiir-laawe iyo Madam Qade dalka iyo dadka hormar la dooneynin.

(Ileen Doqoni Ma Diirsado Walaalkeed Intey Dunida Joogto Doqoney Dabkaa Ba)

FARFAR1311Fargeeti2xudur3Run-Sheeg

Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

Free WordPress Theme

Advertisement

Recently Commented

Free WordPress Theme
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology