SHARIIFOOW GURIGAAGA BAAD KA BADIN WEYSEE MA GURYO KALAAD HAGAAJINKARTAA?

Posted by on Jan 12th, 2017 and filed under KEYDKA SAWIRADA IYO XULKA WARARKA, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

murugSoomaalida waxa ay ku maah-maahdaa “TIISA DARYEELE AYAA TUKALE KU DARA” taasoo micnaheedda uu qofkasta garankaro. Shariif Xasan Sheekh Aadan waxa uu isku dayay inuu madaxweyne ka noqdo dowlada federaalka Soomaaliya, waxa uuna ku bixiyay muruq & maalba, isagoo aan ku xisaabtamin inuu hada yahay Madaxweynaha Maamulka K/Galbeed.

Shariifka waxa u madaxweyne ka yahay deegaan muhiim ah kaasoo ka qeeyraad badan gobolada kale ee la midka ah, balse su’aasha is weydiinta mudan waxa ay tahay deegaanada koofurgalbeed ee uu madaxweynaha u yahay shariifka xaladdoodu waa sidee iminka?

Runtii waa deegaano aad u liita amni ahaan & dhaqaalo ahaanba waxaana u wacan maamulxumadiisa, hadaba sidee nin sidaa ah oo ka badin waayay gurigiisa ku haweeystay inuu Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya isku soo sharaxo?.. Taasi micnaheeda soomaahan waan socon weynee aan orodno? Waxa Tusaale muuqda ah Dowlad Goboleedka K/Galbeed imisa sano ayuu degan yahay Baydhabo? Aaway Baraawe Oo aheyd Xaruntii maamulkaasi maxaa loogu guuri la’yahay soo amni daro maahan?

C/rashiid Xidig waa uu ogaa inuusan noqoneynin gudoomiyaha baarlamaanka laakiin waxa uu xalaaleysanayay kistiisa waana xalaaleystay, sida dhacday shallay. Waxaa jira dad badan oo ka soo jeedda K/Galbeed oo shallay dhiigu kacay sababa la xiriira guusha Jawaari, dadkaasi waxaan leeyahay hogaankiina soo dhuujiya oo deegaanadiina uun adkeeya ka dib u hanqaltaaga dhuujinta deegaano kale.

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waa rug-cadaa siyaasada ku soo jirey muddo dheer oo marka loo fiiriyo 3da musharaxiin ee kale, waxuu ahaa shaqsi aad uga khibrad dheer, uga waayo aragsan, 4tii sano ee la soo dhaafayna si wanaagsan u maareeyey Baarlamaanka Soomaaliya. Haddaba xildhibaanadu ma sidaas fudud oo sahlan bey u qiimeeyeen, mise waxaa jirey arrimo siyaasadeed kale ee ku xeeraansanaa doorashada? Waxaan shaki ku jirin inay jireen marxalado kale oo is biirsaday oo sahlay in Jawaari loo arko inuu yahay shaqsiga mudan.

waxaa muuqata in Beesha caalamku ay si xoog leh u taageersanaayeen in Jawaari uu dib u soo laabto si howlaha socday loo sii dar-dargeliyo. Waxaana muuqda horumar uu baarlamaankii 9aad ku tallaabsaday, haddana doorashada Jawaari ay keeneyso in Baarlamaanka uu sii labo-laabo dadaalkiisa. Soomaaliya waxaa hadda u dhisan Hay’ad Baarlamaan oo leh xafiisyo, howlwadeeno, khubaro, La-taliyeyaal oo og in Guddoomiyaha uu sii joogayo oo aysan ka cabsi qaban inay howlahooda sii wadan karaan iyo in kale.

Ugu danbeyntii waxaan maqaalkan klu samar siinayaa Taageerayshaa Shariifka waxaana leeyahay Boorarkiina tartiib usoo fakhsada, intaad meello kale maamulkoodda u hankhaltaageysaana gurigiina hagaajista.

TIISA DARYEELE AYAA TU KALE KU DAREE.

Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

 

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

Free WordPress Themes

Advertisement

Recently Commented

Free WordPress Themes
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology