Dowlada Mareykanka Oo Digniino Cusub U Direysa Muwaadiniinteedda, Maxay Tahay Sababta?

Posted by on Jan 12th, 2017 and filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

USAWasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa muwaadiniinteeda uga digtay inay u safraan dalka Soomaaliya sababo la xiriria dhaqdhaqaaqyada weli socda ee kooxda Al-Qacida xiriirka la leh ee Al-Shabaab.

Wasaaradda waxa ay sheegtay in muwaadiniinta Mareykanka ay ka warhayaan halista afduub ee ka jirta guud ahaan Soomaaliya, oo ay ku jiraan Puntland iyo Somaliland.

Waxay wasaaradda sheegtay in Soomaaliya aysan ku oolin safaarad Mareykanka oo muwaadniinta caawin karta.

Digniintan cusub ayaa baddeleysa tii wasaaradda ay horey usoo saartay ee ku taariikheysneyd 24 May 2016.

Digniintan ayaa lagu sheegay in si gaar ah ay halis argagixiso uga jirto goobaha dadka ay isugu yimaadaan iyo meelaha ay dadka Reer Galbeedka tagaan oo ay ku jiraan garoomada diyaaradaha, hoteelada iyo meelaha laga dukaameysto.

Waxaa sidoo kale muwaadiniinta Mareykanka looga digay inay ku safraan meelo ku dhow xeebaha Soomaaliya sababo la xiriira halista kooxaha burcad badeedda Soomaaliya.

Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

 

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

WordPress Themes

Advertisement

Recently Commented

Weboy
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology