Doorashadda Maanta Oo Ka Kulul Tii Shallay Lagana Yaabo Waqti Badan Ineey Qaadato, Akhriso Magacyadda Tartamayaasha Ugu Cad-Cad.

Posted by on Jan 12th, 2017 and filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Barlamaanka20141224_3Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Golaha shacabka ayaa maanta lagu wadaa in ay ka dhacdo Doorashada Guddooomiye ku xigeenka 1-aad iyo 2-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, maadaama horey ay u shaaciyeen Guddiga Qaban Qaabada Doorashada Guddoonka Baarlamaanka.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa maanta si weyn loo adkeeyay, gaar ahaan xarunta ay ka dhaceyso Doorashada Guddoomiye ku xigeenka 1-aad iyo 2-aad ee Baarlamaanka.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa isku diyaarinaya sidii ay u dhiiban lahaayeen codadkooda, oo ay u siin lahaayeen shaqsiga ay u arkaan in uu mudan yahay xilkan.

Xilka Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa u tartamaya ilaa 6 Musharax, waxaana ay kala yihiin:-

1.Jeylaani Nuur Iikar.

2.C/weli Sheekh Ibraahim Muudey.

3.Faarax Sheekh C/qaadir.

4.Khaalid Macow C/qaadir

5.Saciid Xuseen Ciid.

6.Khadiija Maxamed Diiriye.

Shalay Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacday Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ay ku tartamayeen ilaa 4 Musharax, waxaana ku soo baxay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo markii Labaad la doortay.

Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

 

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

WordPress Blog

Advertisement

Recently Commented

WordPress Blog
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology