Naadiga Bayzaaniyiinta Baydhaba Oo Canbaareyay Xariga Samafale Bashiir Xabashow Loogu Geystay Muqdisho

Posted by on Jan 10th, 2017 and filed under KEYDKA SAWIRADA IYO XULKA WARARKA, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

5Ururka Naadiga Bayzaaniyiinta Baydhaba ayaa canbaareyn kulul dusha uga tuurey xariga ay koox dano siyaasadeed leh ay shaley ugu geysteen Samafale Bashiir Maxamed Aadan (Xabashow) oo ah Wakiilka Ururka NBB ee Magaalada Baydhaba.

War saxaafadeed goordhow ka soo baxay NBB ayaa wax laga xumaado ku tilmaamey in Koox ku labisan dareeska Ciidanka Dowlada Soomaaliya ay Afduubtaan Samafale u taagan u gargaarida Shacabkiisa.

Naadiga Bayzaaniyiinta Baydhaba ayaa sheegay in Xildhibaanada Dowlada Federaalka uu ugu baaqayo inay si deg deg ah ugu soo celiyaan Madax banaanadiisa Samafale Bashiir Maxamed Aadan “Xabashow”.

Sidoo kale waxaa Ururka NBB ugu baaqayaa Shacabka Magaalada Baydhaba gaar ahaan Agoontii iyo Masaakiintii uu gacanta ku hayay Samafalaha inay sameeyaan Banaanbax ay ku muujinayaan Dareenkooda ku aadan xariga xaqdarada ah ee loo geystay Samafale Bashiir Maxamed Aadan (Xabashow).

Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

WordPress

Advertisement

Recently Commented

WordPress
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology