Cristiano Ronaldo Oo Ku Guuleeystay Abaalmarinta FIFA Football Player 2016.

Posted by on Jan 10th, 2017 and filed under CAYAARAHA, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

 

gusha-robald-6Xiddiga xulka qaranka Portugal iyo kooxda Real Madrid ee  Cristiano Ronaldo ayaa ku guulaystay abaal marinta xiddiga aduunka ugu fiican ee The Best FIFA Men’s Player of the Year wuxuuna abaal marintan kaga guulaystay xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi oo xafladan ka maqnaa iyo Antoine Griezmann oo ka tirsan kooxda Atletico Marid.

Cristiano Ronaldo oo bishii December ku soo guulaystay abaal marinta Ballon d’Orka ee ay France Football bixisay ayaa markale hantay abaal marinta xiddiga aduunka ugu fiican ee ay FIFA si gaar ah sanadkan u bixisay kadib markii ay kala baxeen France Football oo dib ula noqotay abaalmarinteedii Ballon d’Orka.

Markii uu abaalmarintan ku guulaystay ayuu Ronaldo markale ku celiyay in sanadkii 2016 uu ahaa sanadkii waayihiisa ciyaareed ugu fiicnaa. Ronaldo ayaa kooxdiisa Real Madrid kula soo guulaystay koobabka UEFA Champions Leaque, UEFA Super Cup iyo Club World Cupka halka uu xulka qarankiisa Portugal la soo qaaday koobka qaramada Yurub ee Euro 2016.

Cristiano Ronaldo ayaa yiri: “Waa waxaan caadi ahayn, ma aha markii ugu horaysay, laakin markii ugu horaysay abaal marintan. Ugu horayn waxaa waajib igu ah in aan u mahad celiyo ciyaartoyda aanu isku kooxda nahay ee Real Madrid iyo tababaraha Real Madrid. Waad ku mahadsan tihiin wax kasta oo aad aniga ii qabateen. Sidoo kale waxaa igu waajib ah in aanu u mahad celiyo qoyskayga, walaaladay, hooyaday iyo dhamaan shaqaalahayga  oo boqolkiiba boqol wax kasta aniga ii qabtay”.

Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

 

gusha-robald-6

gusha-robald-4

gusha-robald-3

gusha-robald-1

gusha-robald-2

 

 

gusha-robald-5

 

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

WordPress Blog

Advertisement

Recently Commented

WordPress Blog
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology