Yuusuf Baadiyow Oo Wacad Ku Maray In Koonfur Galbeed Loo Daba Fariisan Doonin Nimaan Ehel U Aheyn Hogaankeeda

Posted by on Jan 2nd, 2017 and filed under KEYDKA SAWIRADA IYO XULKA WARARKA, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

yuusufYuusuf Maxamed Amiin “Baadiyow” oo ka mid ah Aqoonyahanada, Siyaasiyiinta iyo Jilbaweynta ku abtirsata Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya kana soo qabtay xilal kala duwan ilaa Ra’iisul wasaare kuxigeen laga soo bilaabo Dowladii Mileteriga ee Madaxweyne uu ka ahaa Maxamed Siyaad Barre ilaa Dowlada FS ee uu Xasan Sheikh Madaxweynuhu kahaa ee xiligeedu dhamadey.

Hadaba Wariyaha Ishabaydhaba.com ee Muqdisho waxa uu maanta fursad u helay in Dr.Yuusuf Baadiyow waraysi dhinacyo badan taabanaya la yeesho wareysiguna sida tan ayuu u dhacay:

Mudane sida aad lasocoto iyadoo dooroshooyin Qaran wadanka ay ka jiraan hadana waxaa guux-weyn ka jira Shariif Xasan oo Hogaanka Koonfurgalbeed gacanta ugu jira una hanqal taagaya inuu Soomaaliweyn hogaankeeda noqdo seed u aragtaa.

Waxaa uu yiri Mudene Yuusuf Badiyow waxaa jirta oraah tiraahdo JAHLIGA QOFKIISA HADII MISHAAKIL LA KULMO WUXUU KU XALIYAA MISHAAKIL KALE.

Hadaba mishakil waxaa uu u baahan yahay xalin ee uma baahna xaaladkale kasii daran in lala raadsado, waxaana ula jeeda wuxuu awoodi kari waayay Koonfur galbeed Mamulkeeda in salka u dhigo, hadana Soomaaliya haday aragto Maamul uu madax ka yahay Ilaahay ma yiraahdee waxaa uu baas iyo Balaayo u noqon doona in Somali markale Doorato qof kasoo jeedo Kofur Galbeed noqdo mid laga aacudo bilesto.

Sidoo kale Mudanaha waxaa isagoo hadalkiisa wata yiri waxaad ka warqabtaan in Baydhabo lagu soo doortey ilaa 76 Xildhibaan oo labada Aqal ka kooban, Musharaxnimada uu sheeganaya ayaa ah anigaa xildhibano badan sidaan rabay u soo xushey ee ila gorgortama taasi waxaa daliil u ah muxuu sida musharaxiinta oo kale intuu meel fariisto Tashkiilis u sameynsan waayay, waxaa hubanti ah Musharax Musharax kale maalintii dhowrjeer utaga ama soowaca anigo ma arag, Xasnow Aden Isaaq oo aan u malaynayo inaad u taqaanin Shariif Xasan Mooye.!

Yuusuf Baadiyow waxaa kaloo uu sheegey waxaan labo sanno iyo dheeraad ka indho laabanayney dadkeena iyo dalkeena oo shaqsi siduu ku yimidba in dib la isu wareysto u baahan aanu uga amusney isagoo magic ahaan keliya maanta aanu u jirno laakiin ka macnawi ahaan uu goor hore aasey Koonfur galbeed iyo sohdimadeeda hadaba waxaa waajib muqdas ah ina saran dalkaan u dhalanay wax usoo baranay inaan ka dhiidhino dhagar qabe farxadiisu ay tahay Dhibatada Shacabka Koonfur galbeed waxaad ogsoon tihiin in degaanada koofur galbeed Abaaro iyo Biyo la’aan ba`ani ka jirto isagoo maalin aduunka ha inasoo gaarto leh lama arag.

Sidoo kale mudanuhu wuxuu sheegey inuu Barlamanlka Koonfur galbeed maalinta Taladada soo socoto intuu dhextagu yiraahdo mudo sedaxbilood waa uu xiran yahay Baarlaman uu marhore dhibateyey, waxaan u sheegayaa in Barlamanka Koonfur Galbeed ay u Shaqeeyaan Shacab weynaha Sedaxda gobol degan ee uusan ahayn mid sidii school private waad fasaxantihiin uu yiraahdo, marba haduu gudan waayay shaqadiisa waxaa lee yahay Baarlamanka KG iyagoo Xaqooda iyo Xaqa umadooda ilaalinaya waa inay ka keenaan Mooshin.

Wareysiga Mudanuhu aanu la yeelanay hadaano soo koobno waxaanu weydiiney inuu Xilka Madaxweynaha Koonfur galbeed uu damac kaga jiro, wuxuuna inoo sheegey inuusan wax jago ah Koonfur galbeed uusan karabin rabitaankiisuna uu yahay in umadani dandarowdey cadowga ka dulqaado oo waxkastoo aan kaga cayrinkaro ayaan diyaar u ahay ayuu Dr.Yusuf si kulul u yiri.

Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

1 Response for “Yuusuf Baadiyow Oo Wacad Ku Maray In Koonfur Galbeed Loo Daba Fariisan Doonin Nimaan Ehel U Aheyn Hogaankeeda”

  1. omar bongo says:

    xadalka yuusuf baadiyo waxaan u arkaa akx umadan xada soo kabsaneyso ayuu fiirin wayey ee markale ayaa larabaa dhib in ay dib ugu noqdaan waa sida yuusuf xadalkiisa ka dhedhemayo wayo madaxweyne iyo xil kama rabo konfur galbed ayaa jiwabtiisa ah taas macnehedu waa khofka hayana uma rabo anigana marabo khofna uma hayo ee cadowgii soo jirenka DM hayimaado miyey ahayn yuusuf baadiyow xadalkiisa aniga waxan dhixi lahaa yusuf hadii khalad jiro aad aragtay ku dadaal sidii ku sixi lahayd ee burbur iyo jahwareer umadan ha u horseedin masuul ku xabon konfur galbed waa jogaa halala shaqeyo wixii ku khaldana ha laga toosiyo taas ayana danta shacbiga ku jirtaa

Leave a Reply

WordPress Themes

Advertisement

Recently Commented

WordPress Themes
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology