Ololaha Doorashada Musharax Madaxwayne Mudane Farmaajo oo si xowli ah uga socda magaalada Muqdisho. Sawirro

Posted by on Dec 29th, 2016 and filed under SAWIRO, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Ololaha Doorashada Musharax Madaxwayne Mudane Farmaajo oo si xowli ah  uga socda magaalada Muqdisho. Sawirro

Musharax Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay Magaalada Muqdisho waxaa uu Qado sharaf ugu sameeyay xildhibaannada labada Aqal ee Jubbaland laga soo Doortay.

Musharax Farmaajo ayaa sharaxaad ka bixiyay hadafkiisa siyaasadeed, iyo waxyaabaha uu qaban-doono hadii loo doorto xilka Madaxweynaha.

“Dalkaan 16 sano kaddib umma baahna siyaasad aan hiil u ahayn ummadaan, waxaan u baahan-nahay in aan ka dhabayno dhaarta aan dalkan u marnay, waa in aan dhowrnaa dastuurka dalka iyo xeerarka caalamig ah, waa in aan la macaamil-naa aduunka iyo Dowladaha dariska ah”ayuu yiri Musharax Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo

“Dalka waxaa uu u baahanyahay hoggaamiye dadajiyo dhismaha ciidan qaran lana Tayeeyo Ciidamada Soomaaliyeed si Meesha looga Saaro kooxaha Xagjirka, waxaan ku kalsoonahay in aan ahay shaqsi ay dhab ka tahay noolaynta iyo tayaynta noocyada ciidamada Qaranka iyo hay’adaha Nabadgalyada dalka” Sidaasi waxaa yiri Musharax Farmaajo.

 

Waxaa munaasabada ka hadlay ku dhawaad 20 xildhibaan oo ka kala tirsan labada aqal ee baarlamaanka Jubbaland, waxayna dhammaantood si guud ugu baaqeen in ay ka shaqeyn doonaan in ay Codkooda Siiyaan Hogaamiyaha ay u Baahan Yihiin Shacabka Soomaaliyeed,.

Sidoo kale  waxay hoosta ka xariiqeen in mudane Farmaajo uu yahay hoggaamiye ku habboon in uu dalkaan Madaxwayne ka noqdo, xildhibaannadu waxay xuseen in ay baahi-wayn u qabaan hoggaamiye ummadaan dhiban u dhowro xaquuqdooda si ay waajibaadkooda u gutaan.

Kulankan ayaa waxaa uu qayb ka yahay Ololaha Doorashada Musharax Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo si xowli ah  uga socda magaalada Muqdisho.

 

Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

farmajjo

 

 

 

farmajjo2

farmajjo1

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

WordPress Blog

Advertisement

Recently Commented

WordPress Blog
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology