WASIIRO TACSI U DIRAY SAFIIR SAAKAY GEERIYOODAY

Posted by on Aug 3rd, 2016 and filed under TACSI, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

MarxuumkaWasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Abdusalam Hadliye Omer, Wasiiru dowlaha Khaled Omar Ali, Wasiir kuxigeenka Ahmed Ali Mohamed (Kadiye), Xoghayaha joogtada Wasaaradda Danjire Ali Mohamed Ali, Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirada, Qunsulada guud, La taliyeyaasha Wasaaradda iyo dhamaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa ay tacsi u dirayaan ehellada, asxaabta iyo Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allah u naxariistee Ambassador Mohamed Mohamud Handulle oo ku geeriyooday saaka subax oo Arbaco ah, kuna beegan August 03, 2016 Magaalada Moscow ee caasimadda dalka Russia.

Marxuum Maxamed Maxamuud Xandulle, waxa uu Safiir ka ahaa Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Magaalada Moscow tan iyo sanadkiii 2007 xilligaasi oo uu diblomaasiyadda si rasmi ah ugu soo biiray.

“Annagoo ka murugeysan, kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka , ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto, qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo, hoygiisana ka dhigo Jannada sare ee Alfardows , qoyskiisa, ehelladiisa iyo asxaabtiisana Samir iyo iimaan ka siiyo – Aamiin” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha dibeda Somalia.

Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

 

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

Premium WordPress Themes

Advertisement

Recently Commented

Premium WordPress Themes
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology