Obama oo Musharaxa Jamhuuriga Donald Trump afka ku weerar.

Posted by on Aug 3rd, 2016 and filed under America, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Madaxweynaha Maraykanka, Barack Obama, ayaa weerar dhanka afka ah ku qaaday musharraxa xisbiga jamhuuriga, Donald Trump, waxaana uu sheegay in aanu u qalmin hogaaminta dalkaasi.

Todobaadkii lasoo dhaafay, xilli uu Obama ka hadlayay shirweynihii qaran ee xisbiga Dimuqraadiga, ayaa waxa uu sheegay in aanu fileynin in Trump uu haysto taageerada inta badan xubnaha qunyar socodka ah ee xisbigiisa.

Madaxweyne Obama ayaa codkiisa ku biiriyay dadka Donald Trump ku dhaliilay hadalkii uu ku weeraray qoyska wiilkoodii askariga ahaa uu kaga dhintay dagaalkii Ciraaq. Waxa uuna tilmaamay in Trump aanu ahayn qof Maraykanka hogaamin kara.

Obama ayaa ugu baaqay xubnaha xisbiga Jamhuuriga in ay iska fogeeyaan Trump, isla markaana aanay taageero u fidin.

Donald Trump oo ka jawaabaya hadalka madaxweynaha ayaa sheegay in Obama uu ku guuldareystay hogaanka dalka, isagoo intaa raaciyay in musharraxa xisbiga dimuqraadiga, Hillary Clinton, aan lagu aamini karin hogaanka Maraykanka.

 

Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

 

 

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

Free WordPress Themes

Free WordPress Themes
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology