C/kariim Guuleed: Jawaari Carqalad Ayuu Dhuusamareeb u Tegay

Posted by on Jan 7th, 2016 and filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

guuleedMadaxweynaha maamulka Galmudug oo maanta shir saxaafadeed ku qabtey magaalada Cadaado ayaa sheegay in safarka Afhayeenka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxameed Shiikh Cismaan Jawaari uu ku tegey Dhuusamareeb uu yahay mid carqalad ku ah nabadda Galmudug.

Safarka Jawaari ayuu sheegay in ay dareen ka muujinayaan, wax wada tashi ah cid uu la sameeyey ma jirto, wada hadalka u socdey Galmudug iyo ahlu-sunnah ayuu carqalad ku yahay ayuu yiri Guuleed.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in ay shaki weyn ka qabaan safarka Jawaari ee Dhuusamareeb waxa uu salka ku hayo, wuxuu ku tilmaamey mid keeni kara khal-khal siyaasadeed, kaas oo huwan ujeedooyin qarsoon.

Safarka Jawaari ayuu Guulkeed ku tilmaamey in uu khilaaf iyo kala qaybsami ka dhex abuuri karo Baarlamaanka federaalka dhexdiisa, iyo Shirarka Geeddi Socodka Soomaaliya 2016.

Afhayeenka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Jawaari ayaa maanta oo Khamiis ah isaga iyo 25 Xildhibaan oo kale ka degeen garoonka diyaaradaha ee Dhuusamareeb oo ay ka taliyaan Ahlu-sunnah. Warbaahinta Dowladda federaalka ayaa safarkiisa ku sheegtey mid la xiriira waan-waan iyo dhameynta khilaafka Galmudug iyo Ahlu-sunnah.

Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

Premium WordPress Themes

Premium WordPress Themes
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology