Hawlgal Ka Dhan Ah Garaashyada oo Laga Sameeyay Baydhaba

Posted by on Dec 31st, 2015 and filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

baydhabaCiidanka Hay’adda Nabad Suggida, ayaa hawlgal muddo lix saacadood qaatay ka sameeyay garaashyada ku yaala Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay.

Hawlgalka ayaa ahaa mid lagu xaqiijinaayay ammaanka Magaalada Baydhaba, lagu lana soconaayay dhaq dhaqaaqyada garaashyada.

Ciidamada, ayaa waxaa la arkaayay iyagoo gudaha u gelaaya garaashyadaasi, baaritaano adagna ku samaynaaya gawaarida iyo qaybaha kale ee garaashyada, walow aan la soo sheegin wax hub iyo qaraxyo ah, oo ay ku soo qab qabteen.

Taliyaha Nabad Suggida Magaalada Baydhaba, Maxamed Isaaq Ibraahim (Aflow), ayaa wuxuuu xaqiijiyay inaanu jirin wax hub iyo qaraxyo ahba, oo hawlgalka lagu soo qab qatay.

Mar uu ka hadlaayay baahida keentay in la sameeyo hawlgalkan, ayuu sheegay inuu yahay mid toddobaadkiiba mar laga sameeyo garaashyada iyo hoteelada ku yaala Xarunta Gobolka Baay, si loogu xaqiijiyo ammaanka.

Taliyaha ayaa sheegay in Hay’adda Nabad Suggida ay ka feejigan tahay weeraro kaga yimaada Ururka Al Shabaab, inkastoo sida uu sheegay aanay iminka muuqan halis kaga soo fool leh mintidiinta.

Maxamed Aflow, ayaa waxaa uu bulshada reer Baydhaba uu kaga mahadceliyay sida ay ula shaqeeyaan laamaha ammaanka, isagoona ku ammaanay inay is barbar taaggeen Ciidamada Nabad Suggida iyo Booliska, oo ka wada shaqeeya nabadgelyada.

Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

Weboy

Weboy
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology