Daawo Sawirrada: Ururada Bulshada Rayidka Koonfur-galbeed oo Hogaan Ku Doortay Magaalada Baydhaba‏

Posted by on Sep 8th, 2015 and filed under KEYDKA SAWIRADA IYO XULKA WARARKA, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

11Shirweyne ay isugu yimaadeen xubno ka kala socday Ururada Bulshada Rayidka Gobolada Koonfur-Galbeed Soomaaliya sida Gobolka Bakool, Shabelaha Hoose iyo Baay oo kumidoobay Dallada  lagu magacaabo South west Non  State Actors (SOSWENSA)  ayaa waxaa ay Doorteen Gudoomiye iyo Gudoomiye Kuxigeen.

Munaasabada Doorashada oo ka dhacday Magaalada Baydhaba ayaa waxaa xubnaha wax dooranaayey ay tiradoodu gaareysey lixdan (60) xubnood oo gobolkiiba ay katimid labaatan xubin ayaa waxaa Gudoomiyaha Dallada isu soo sharaxay Cabdi Cadow Axmed oo cid la tartameysey aaneyjirin sidaasna codka kalsoonida oo gacantaag ah loo qaaday  kuna guuleystay Gudoomiye-nimada Dallada.

Gudoomiye kuxigeen ayaa waxaa u tartamay Marwo Sahra Ashkar Guuleed iyo Abdikarin Aweys Abuu codka oo ahaa mid qarsoodi ah  ayaa waxaa codka aqlabiyada  Gudoomiye kuxigeenka ku guuleystay Abdikarin Aweys Abuu.

Munaasabada Doorashada oo ay kasoo qaybgaleen  islamarkaana goobjoogayaal ka ahaayeen Wasiiro kasocday Maamul Goboleedka Seddaxda Gobol, Gudoomiyaha Gobolka Baay iyo Marti sharaf kale ayaa waxaa guud ahaan natiijooyinka Doorashada Ku dhawaaqay Gudoomiyaha Doorashada Aadan Yare.

Intaa kadib ayaa waxaa goobta Hambalyo iyo Boogaadin kasoo jeediyey Gudoomiyaha Gobolka Baay Cabdirashiid Cabdulaahi Maxamed iyo Wasiiro ka tirsan Maamul Goboleedka Seddaxda Gobol.

32678111SAMSUNG CAMERA PICTURES4109SAMSUNG CAMERA PICTURES5SAMSUNG CAMERA PICTURESSAMSUNG CAMERA PICTURESAbshir Mandeela

Xafiiska Ishabaydhaba.com

Baydhaba Janaay

Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

1 Response for “Daawo Sawirrada: Ururada Bulshada Rayidka Koonfur-galbeed oo Hogaan Ku Doortay Magaalada Baydhaba‏”

  1. Hareda Bolis says:

    Allah Karim ,DM waxa ku dhacdey Idna uma maqana Ceelna uma Qodna ee ASWT ha no gargaaro Aminnnnnnnnnnn.

    ,

Leave a Reply

Free WordPress Theme

Free WordPress Theme
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology