Kenya: Al-Shabaab Waxay Bilowday Inay Xagjireyso Ardayda Dugsiyada Sare ee Gobolka Xeebta

Posted by on Aug 24th, 2015 and filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

kitur-pic-300x200Boliiska Kenya  ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay bilowday inay xagjireyso ardayda dhigata dugsiyada sare  ee ku yaala gobolka xeebta ee Kenya.

Maleeshiyada ayaa isku dayeyso inay xero geliso dhalinyarada Kenyaan ka ah  si ay ugu biiraan kooxda Al-Shabaab ayagoo dagaalyahaniin ah kuwasoo isugu jira wiilal iyo gabdho.

Madaxa boliiska ee gobolka xeebta Robert Kitur ayaa xaqiijiyay arrintan ku saabsan xagjireynta dhalinyarada ee dusgiyada ku yaala gobolka xeebta sidaana waxaa qoray wargeyska daily nation ee ka soo baxa magaalada Nairobi.

Wuxuu sheegay in Al-Shabaab markii hore ay xagjireynta dhalinyarada ka fulin jirtay masaajida balse hadda ay u wareejisay dugsiyada sare ee Kenya.

Madaxa boliiska ee gobolka xeebta ayaa uga digay  waalidiinta iyo macalimiinta qorshahaan cusub ee xagjireynta ardayda dugsiyada sare ee ku yaala gobolka xeebta ee Kenya.

Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

Premium WordPress Themes

Premium WordPress Themes
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology