Kulan Muhiim Ah oo Ay Isugu Yimaadeen Mas’uuliyiinta Jaaliyadda Beelweynta Gasaaragude ee Dalka Ingiriiska (Sawirro)

Posted by on Jun 17th, 2015 and filed under Europe, KEYDKA SAWIRADA IYO XULKA WARARKA, Saldanooyinka DM, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1Waxaa Kulan muhiim ahaa isugu yimid Magaalada London ee dalka Boqortooyada Ingriiska Mas’uuliyiinta Jaaliyadda Beelweynta Gasaaragude. Waxaa kaloo shirkaasi khadka telefoonka uga qeybqaatay Siyaasiyiinta Beesha Gasaaragude ee kusugan gudaha dalka gaar ahaan Magaalooyinka Luuq Ganaane iyo Muqdisho.

Beeshu waxeey si qota dheer uga hadashay xaalada Siyaasadeed, amni ee dalka maanta uu ku jiro, iyo hab dhismeedka Maamulka kumeel gaarka ah ee Jubba.

Beelweynta Gasaaragude oo magac dheer ku leh dalka Soomaaliya kana mid ah Boqortooyadihii soo maray dalka Soomaaliya ayaa ku tilmaamay Boobkii kadhacay Magaalada Kismaayo ay umada Soomaaliyeed gaar ahaan dadka Goboladda Jubbooyinka iyo Gedo u horseedi karto fowdo iyo maamul xumo taasoo aqirkii dib usoo celin karta dagaaladii sokeeye.

Gabagabadii Shirka Ayaa Waxaa Laga Soo Saray Go’aano Wax Ku ool Ah oo Ay Kamid Yihiin:-

1-Beeshu waxay aad uga soo horjeesatay sidii loo qeybiyay Baarlamaanka Juba, waxeey kaloo aad u taageertay go’aankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kaa soo uu ku diiday jirataanka maamulka kumeel gaarka ah ee Juba.

2-Beesha Gasaaragude ayaa waxeey ku tilmaantay hab dhismeedka maamulka Juba inuu yahay mid ka fog cadaalada, waxa kaloo ay sheegtay in maamulka uu noqday mid lagu naasnuujinaayo beelo gaar ah.

3-Waxaa laxaqiray oo xuquuq doodii la duudsiiyay Beelaha DM dhamaan. Taasoo mustaqbalka horseedi karta in sedexda gobol, Labada Jubo iyo gedo laga dhigi meel ay marti ku yihiin ama aaneey ku laheeyn wax Xuquuq ah beelweynta DigilMirifle.

4-Waxaa ay beeshu ku heshiisay in la qaado talaabo kasta oo muhiim ah taasoo ay ku xaqiijineyso in ay kaga hortagto shaqsi kasta iyo maamul kasta oo isku daya inuu xaqiro ama hor is taagto xaqa iyo xoriyadeeda Soomaali-nimo.

5- Waxay beeshu ugu baaqday dhamaan umada Soomaaliyeed in Cadaalada iyo Nabada la taageero lagana hortago dadka diidan in Soomaaliya ka baxdo Fowdada iyo Burburka.

Wabilaahi Towfiiq.

Cismaan Ingriis.

12Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

9 Responses for “Kulan Muhiim Ah oo Ay Isugu Yimaadeen Mas’uuliyiinta Jaaliyadda Beelweynta Gasaaragude ee Dalka Ingiriiska (Sawirro)”

  1. shaati cade says:

    War ordahoo ceertiina qaata dal iyo dadba waxba kama ogodiin

  2. kuriiko says:

    walaaliyaal ilaahii ni abuurtey ka baqada beesha gasaargude dhulkooda aa lagu dulmey dm dhulkooda aa lagu dulmey ee intina uk joogta shir wa taagerney iyo wa ka soo hor jeednaa wahba niima qabaneyso ee dadkina dhulki jira in aad garab istaagtaan aa wah nii qabaneysa oo la barakicinaayo war ilaah ka baqa dako iska aruuriya oo dadkina dhiban u dira qaraan iska aruusha oo dadkiina dhiban u dira ilaah ka baqa af eerin ah oo lagu dhahao wa ka soo horjeeda iyo wa taagersanahay dhulkina ma soo celinaayo karti isku yeela siiba beelaha is hilqaamey sida gasaargude gobnimadii gasaargude wa in aad soo celisaan ee uk aan jogna mahaa naga galay dhulki dadka degan ee gasaargude yaan la dhihin ee gacmaha is qabsada idinka is higa wsc

  3. wiil hawiye says:

    6daan nin lee miyaa wax meshaan aad ku haaysan yaa yaa

  4. Luuq gedo says:

    Gasaargude waa qabiil yar oo laga badan yahay cid dulmisayna ma jirto weligod xitaa waqtiyadii dagaaladii 91 kii iyaga iyo shaanshida iyo waraabeyaha iyo qabiilada yar yaroo dhan marka wax ay ucabaadan meesha iigama muuqdaan.tankle qabaailada laga badan yahay waxaa loo ogolyahay wada noolaasha iyo inay qaataan waxii loo garto.waxii intaa kasoo haro.waa ruwaayadii gedo anagaa leh ee ay ku riyoon jireen dad ka qaar.ee orda utaga shariif sakiin bal in uu wax ka qabto arimahaa

  5. wiil gedo says:

    gasaar gude waa dadki loogu yimid gobolka gedo taarikh dheer ayayna leyihin sida lawada ogyahay xaqqi ayku lahayen gobolka aya la dudsiyay waxan ugu baaqaya dhaman jaaliyadaha gasargude inay gacnaha is qabsadaan walalohoda hubka qaatey inay garab istaagan

  6. Luuq gedo says:

    Gasaargude ma luuqbaa loogu yimid mise gobalka dhan ee gedo marka hore taariikhda dib u raac.
    Tankle qabaailada yar yar cid dulmisay majirto.cidii raadinayso waxaysan xaq ulahayn haiska cabaado ayadaa daali doontee
    nabadu waxay muhiim utahay noolaha oo dhan cidii nabadeeda ilaalsan wayso ayaday utaalaa
    kan leh hubka qaato.waa nin afka nool ah run hadad sheegayso kaalay adiga ubilaaw.ma ahan dhaqan rageed cabaadka bilaa macnaha ee dhiig iska day tankle waa khalad ayadoo bil ramadan lagu jiro inad abaabusho colaad aadan ka guul gaarayn tabarteedana aadan lahayn ruwaayad bilaash ahna aad jishaan isaga riyooda gedo iyo luuqba

  7. asc marka uhoreyso marka xigtana gasaara gude waa la ogsoonyahay in uu yahay qabiil taariiq dheer ku leh sooyaalka soomaaliyeed tankale maanta in qabiil yar lagu tilmaamo maaha waa ladulmiyay mideeda kale ani fikirkeyga waxaan kudarsan lahaa oon gasaara gude dhihi lahaaa gacma wada jir ayeey wax kugooyaaan gacmaha is qabsada kiina wax heesta kiina baahan ogaada war marka hore is ogaada dhalinta waxbarashada ka caawiya guri seeskaa laga dhisaa bulshana dhalinta waayo dhalinyarada waa lafdhabarta gacma laisdhaafshee galdi kujirtaaa gasaaa hurdada halaga kaco asc

Leave a Reply

Free WordPress Themes

Advertisement

Recently Commented

Free WordPress Themes
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology