Kulan Soo Dhaweyn Ah oo Ay Jaaliyadda Koonfur Galbeed Sacuudiga u Sameysay Gudoomiyaha Jaaliyadda KG ee Australia (Sawirro)

Posted by on Apr 4th, 2015 and filed under Asia, JAALIYADAHA, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

shirKulan lagu soo dhaweynayey marti sharaf ka socotey Jaaliyada Koonfur-galbeed Soomaaliya ee Australia ayaa lagu qabtey Magaalada Jeddah ee dalka Sacuudi Carabiya.

Kulankaas oo ay soo qaban qaabisey Jaaliyada Koonfur-galbeed ee Sacuudiga ayaa waxaa lagu soo dhaweeyey Gudoomiyaha Jaaliyada KGS ee Australia Dr. Awes Sheekh Muxidiin Iyo Con. Axmed Sheekh Muxidiin oo u yimid Sacuudiga gudashada Cumraha iyo isku xirka labada Jaaliyadood.

Shirkaan oo socdey saacado ayaa isbarasho kadib waxaa si isku mid ah looga hadley arimaha quseeya Koonfurgalbeed iyo is bedelada ka dhacay halkaas.

Waxaa goobta ka hadlay gudoomiyaasha 2-da jaaliyadood iyo inta badan malaaqyadii iyo aqoyahanadii shirka ku sugnaa waxayna sheegeen inay ka xumaadeen in la waayey hamigii ay lahaayeen oo ahaa in la helo  midnimada 6-da gobol ee dadyowga koonfurgalbeed xaqa u lahaayeen.

Jaaliyada KFGS Sacuudiga iyo Jaaliyada KFGS Australia ayaa ahaa jaaliyadaha sida tooska ah ula garabtaagnaa hiil iyo hoo dhisidii maamulkii 6-da gobol.

Ugu Dambeyntii Waxaa Go’aan Lagu Gaarey

1- In la sameeyo xiriir joogto ah oo u dhexeeya labada jaaliyadood
2- In laga shaqeeyo sidii dadko loogu hormarin lahaa dhinaca aqoonta, waxbarashada iyo caafimaadka
3- In la sameeyo dhaqaale aruurin lagu dabooli karo baahida jirta
4- In halmeel loogu soo wada jeesto sidii looheli lahaa maamul xalaal ah oo ay yeelato Koonfur Galbeed Soomaaliya oo iska leh dadyowga Koonfur-galbeed.

56123478910shir12Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

5 Responses for “Kulan Soo Dhaweyn Ah oo Ay Jaaliyadda Koonfur Galbeed Sacuudiga u Sameysay Gudoomiyaha Jaaliyadda KG ee Australia (Sawirro)”

  1. السلام عليكم ورحمة الله وبركاته
    Gudoomiyuhu maxaa uxadliwaayey?
    Waaqob qodobkakale
    Dadkalagagaranmaayee
    Waakee

  2. abdalla says:

    Asc umad hadii aqonyahankedu qabil ka shaqeynayo goor may hor umar gaareysaa dadka mesha isku sawirey wa qabil keliya iyo ka yar o la marin hababiyey hadii uu awes shekh muxidin uu magalada jida yimid maxa lo iclamin wayey waqti hore tan kale jaliyada ma ahan hal iyo labo qabil maxay tahay ula jedada ka danbaysa in sidaas uu u dhaqmo awees shekh muxiyaden o aqoon yahan ah wa suaal la rabo inu ka jawabo awes shekh muxiyadiin asc

  3. aasto says:

    Walaal dadka meesha joogey waxay ahaayeen masuuliyiinta jaaliyada koonfurgalbeed oo wada jira sida aan soo arkey waa loo dhamaa hal qabiil keliya meeha ma joogin sida aad sheegtey

  4. Nuur yare says:

    Aweys waxa soo dhaweeyey wa beesha eelaay iyaka xaflada dhigtey yaan beenta loo sheegin dadka aweys sheekh muxudiin wa gudoomiyaha beesha elaay

  5. Nuur yare says:

    Aweys shekh muxudiin wa nin qabyaladiiste ah gudoomiye waxo ka yaqaano malaha jaaliyada asturaliyana guddoomiye uma aha beeshiisa kaliyah ayu gudoomiye u yahay marka yaanan dadka beeta loo sheegin

Leave a Reply

WordPress

Advertisement

Recently Commented

WordPress
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology