Maxamuud Caliyow Ibrow iyo Maxamed Axmed Dalab oo dafiray dhibaatada lagu hayo Qowmiyada DigilMirifle.

Posted by on Oct 13th, 2011 and filed under KEYDKA SAWIRADA IYO XULKA WARARKA, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Barnaamishka dood wadaag oo uu qabto TVga Universal ayaa waxaa xalay diirada lagu saaray dhibaatooyinka iyo tacadiyada kadhaca gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaana lagula kaco dadka barakacayaasha ah. Barnaamishka ayaa dadka lagu casuumay waxaa kamid ahaa Maxamed Axmed Dalab oo ah gudoomiyaha gudiga odayaasha jaaliyada DM, waxaa sidoo kale ka qaybqaatay gudoomiyaha jaaliyada DM ee UK Engineer Maxamuud Caliyow Ibrow iyo dad kale oo kasoo jeedo gobolada koonfurgalbeed Soomaaliya.

Arinta layaabka lahayd ee xalay dadkii daawanayay barnaamishka dood wadaag kafajicisay ayaa waxay ahayd markii la arkay inay Maxamed Axmed Dalab iyo Engineer Ibrow ay dafireen dhibaatooyinka loo geystay dadka barakacayaasha ah iyo kuwa caadiga ah ee kunool magaalooyinka Puntland, Somaliland iyo weliba magaalada Muqdisho.

Dalab iyo Ibrow ayaa inkireen tacadiyada loogu geysto dadka DM magaalada Muqdisho iyo deegaanada Puntlanad ayada oo uu Ibrow inkiray kufsiga joogtada ah ee lagu hayo dadka kasoo jeedo DM ee kusoo barakacay magaalada Muqdisho sidoo kalena su’aalo ka keenay liiskii ay kuqornaayeen magacyadii dadkii labada boqol korka u dhaafayay ee DM ahaa ee lagu laayay Puntland halka Dalabna uuba ku tilmaamay wax kutiri kuteen ah! Hadaba waxaa isweydiin mudan dad noocaas ah sidee loogu aaminay jaaliyaddii DM ee UK oo ah mid kamid ah jaaliyadaha ugu weyn kuwa DM ee qurbaha kunool?

Dhinaca kale waxaa arintaas ka dhiidhiyay Ilyaas Saciid Qalinle oo ah kuxigeenka gudoomiyaha ururka suxufiyiinta SODJU oo doodii xalay ka qaybqaadanayay isaga oo tilmaamay in waxkastaba cadeyntooda lahayo. Dadka kale ee xalay dooda kaqayb qaatay ee difaacay warsaxaafadeedkii kasoo baxay xildhibaanada DM ee ku aadanaa dadka lagu laayay Puntland raga kala ah Cali Xasan, Garaad Xuseen Anyow iyo Mustaf Sheekh Maxamed.

Arinta kale ee cajiibka ahayd ayaa waxay ahayd in mid kamid ah kaqaygalayaashii barnaamishka dood wadaag ee xalay uu si toos ah u weeraray mid kamid ah hogaamiyayaashii ururkii RRA ee heerka ay maanta joogto qowmiyada DM soo gaarsiiyay, waa Maxamed Ibraahim Xaabsadee, balse Ilyaas Saciid Qalinle ayaa difaacay hogaamiyahaas sheegayna hadalka kasoo yeeray inuu yahay mid xaqiiq ah.

Aqriste, waxyaabaha isweydiinta mudan ayaa waxay tahay bal sida raga Ibrow iyo Dalab lamidka ah ay dad u hogaaminkaraan mar hadayba inkireen dhibaatada loo geystay dadkooda,

mise talow ayagaanba u dhalan qowmiyada ay sheeganayaan oo waa un afka baalkiis sheegashadooda?

Waxaa la gudboon Jaaliyadda DM ee UK inay ka hadlaan falka xun labadaas shaqsi iyo intiiba kufikir ah, xilkana u dhiibato rag u doodi karo xaqa ummadooda iyo dhibaatada loo geysto intaba.

 FG. Doodii xalay ayada oo muuqaal ah waxaad ka daawankartaa qaybta fiidiyowyada ee shabakada Ishabaydhaba

Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com

Ishabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

Free WordPress Theme

Free WordPress Theme
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology