Milkiilaha Universal-TV iyo Wariye Axmed Xasan Cowke oo muran xoogan ka dhaxeeya.

Posted by on Sep 30th, 2011 and filed under KEYDKA SAWIRADA IYO XULKA WARARKA, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Waxaa soo kordhaya muranka xoogan ee u dhaxeeya milkiilaha Universal TV iyo  Wariye Axmed Xasan Cowke. Sida ay sheegayaan wararka xafiiska TV-ga uu ku leeyahay magaaladda London shir ay wada galeen milkiilaha iyo Wariye Cowke ayaa kusoo idlaaday natiijo xumo, sida ay sheegayaan ilowareedyo goobta ku sugnaa.

Milkiilaha TV-ga oo ay dadka ugu yeeraan Enjineer Axmed ayaa ku adkeysanaya in wariye Axmed Xassan Cowke uu raali galin buuxda ka siiyo dowladda Jabuuti oo uu sheegay in aflagaado qaawan loo geystay.

Wariye Cawke iyo Axmed ayaa qadka telefoonka kuwada hadlay iyadoo uu Axmed xiligaas ku sugnaa magaaladda Dubai halka Cowkana uu la joogay milkiilaha walaalkiis Xamduun iyo ragkale, iyadoo ay habeenkaasi socotay barnaamijkii salaamaha oo uu daadihinayay Baafo oo isna meesha ka sheeg lagu yiri in uu  Cowke istuudiyaha joogo caawa.

Sida ay sheegeen wararka waxaa Cowke loosoo jeedshay in uu qaato lacag madaxsalaaxida oo aysiiyaan si howshooda aysan ugu joogsan Jabuuti, waxaana Milkiilaha TV-ga uu ka cabsi qabaa in xafiiskooda Jabuuti laga xiro.

Murankan oo noqday mid leysmari waayay ayaa Axmed Xasan Cowke sida ay ilowareedku sheegayaan waxaa uu sheegay isagoo la hadlaya milkilaha TV-ga adigoon dhalan baan Soomaali magic ku lahaa ee waxaad doonto samey.

Dhinaca kale waxaa isasoo taraya baaq ka imanaya ururka suxufiyiinta Somaliland oo dhaleeceen usoo jeedshay milkiilaha Universal oo ay sheegeen in uu yahay nin aan aqoon u laheyn shaqsiga uu sidaa ula xisaabtamayo oo ay ula jeedaan Axmed Xasan Cowke.

Hadaba su’aasha ay dadbadani isweydiinayaan ayaa ah ma mudan yihiin dadweynaha Jabuuti aflagaado looga geystay TV-ga Universal in laaluush lagu baxsho iyadoo sidoo kale ay meelka dhac ku tahay wariyihii ay Soomaalida wada jeclaayeen ee lagu xusuusto dhacdooyinbadan oo uu goobjoog u ahaa sida dagaalkii itoobiya iyo Soomaaliya 1977-kii, waxaa sidoo kale ay meel ka dhac laaluushka Axmed Abukar uu wax ku doonayo ku tahay saxaafadda Soomaalida guud ahaan.

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

Weboy
Weboy
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology