Somaaliya Waa Isku Diin Laakin Ma Ahan Isku Af Iyo Isku Dhaqan! By: Wasiila

Posted by on Mar 16th, 2014 and filed under Af-Somali, MAQAALO, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Ya axlaWaxa laga yaabaa in dadka qaar ay layaabaan mawduucaan lakiin ila arag qoralkeyga waxa mumkin  ah inaad fahanto xaqiiqda jirta .

Gobolka geeska Africa waxaa degan qoomiyado ku kala duwan dhanka diimaha luuqadaha dhaqanka iyagoo  uu  ka dhaxeeyo oo keliya wadanka ay wada deganyihiin Somalia waxay kamid tahay wadamada geesaka Africa ku yaala lakiin Somalia waxa ay ugu duwantahay wadamadaas ku yaala geeska afrika waa isku diin waana diinta islaamka oo kaliya taas oo alle ugu nimceeyay lakiiin way ku kala duwan yihiin dhanka luqada iyo waliba dhaqanka.

Somalia waxay leedahay laba luuqadood oo rasmi ah sida ku xusan xitaa dastuurka rasmiga ah ee Somalia qodobka 5-aad ee dastuurka  hada loo sameeyey iyo weliba kuwii ka horeeyey ee kumeel gaarka ahaa.

Aniga shaqsi ahaan aad baan u jeclaan lahaa Soomaalida inay hal af isku ahaato. Laakiin Allaah wuxuu qadaray inay kala af noqdaan – Maay iyo Maxaatiri, xigmadda ku jirta arintaasina isaga uunbaa garanaya. Ceebna ma ahan inay ummad meel wada degta ay kala af noqdaan waaba waxay ku faanaan ummado badanoo dunida ka jira sida dowladaha deriska nala ah. Waxaa dhowaanahaan aad u batay doodaha siyaasadeysan ee la xiriira afafka Maay iyo Maxaatiri. Dastuurka-somalia waxaa lagu qoray afafka rasmiga Soomaaliga inay yihiin Maay iyo Maxaatiri. Waxaadse mooddaa inay arintani weli u cuntami la’dahay beelaha kalee Soomaaliyeed ee aan ku hadlin afka Maayga!!!.

Dadka qaar waxay ku leeyihiin oo xitaa meelaha ay ku qoreen Maay iyo Maxaatiri laba af makala aha ee waa laba lahjadood oo isku hal af-Soomaali ah markad weydiiso af somaliga waa kee? Waxay ku leeyihiin waa af mahatiriga!!!. sabab? wuu qoranyahay lkn af maayga maqorna waayaab!!! haddii af walboo aan qorneyn uu noqonayo lahjad taasi micnaheedu waxay noqoneysaa in af-Soomaali rasmi ahi aanu jirin ka hor intaan la qorin af-Maxaatiriga1970 kii ,sido kale waxa jira dad aan tarikhda Somalia waxba ka aqoon oo bugagta iyo barta internetka ku qora in ay somalida isku af yiin dadkaas waxan oran lahaa umada xaqiiqda haloo sheeko kadaaya beenta .somali waxay ledahay laba luqadood maay iyo mahatiri Af waliba (Maay iyo Maxaatiri) wuxuu leeyahay dad iyo deegaano u gaar ah oo looga hadlo.

Markaad akhriso tarikhda Somalia ama waydiiso taarikhyahnada waxay ku sheegayan in af maayga uu yahay afka asalka ah af mahatirigana uu yahay farac oo Afka Maayga wax badan  ka fac weyn tahay Afka Maxaatiriga ah

Dhanka dhaqanka:-

Markii laga hadlaayo dhaqanka Soomaalidu waxay ku abtirsataa dhaqan fac weyn oo xeerar iyo qawaaniintiisa leh in kastoo xiliyadii dambe dayaceen dhaqanka.

Waxana  hubaal ah in somalida ku kala duwatahay dhaqanka sida ay afkuba ugu kala duwantahay .

Tusale ahaan ciyaraha hidaha iyo dhaqanka laga ciyaaro konfur galbed Somalia way kaduwanyihiin kuwa waqoyi ama gobolada dhaxe laga ciyaaro ma ahan oo kaliya inay ku kala duwanyihiin dhanka ciyaaraha xitaa qaabka la isku guursado iyo waxyalo kale waan ogolahay inay qaar dhaqamada ay ika leyihiin somalida  oo is shabahaan lakiin waxa marnaba la inkiri Karin in somalidu dhaqanka ay ku kala duwanyihiin.

qalinkii-Abdullahi nur Mohamed (wasiila)

fadlan wixi dherad ah nogu sodir :-

Emailka:-wasiila10@hotmail.com

Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

Email: Ishabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

Free WordPress Themes

Advertisement

Recently Commented

Archives by Tag

Free WordPress Themes
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology