War Deg Deg Ah: Shariif Xasan oo Looga Digay In uu Yimaado Magaalada Baydhabo Janaay

Posted by on Mar 16th, 2014 and filed under KEYDKA SAWIRADA IYO XULKA WARARKA, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

shariif-xasan3Madaxweynaha Koonfur Galbeed Madoobe Nuunow Maxamed iyo Gudoomiyaha Gollaha Guurtida Malaaq Xasan Shure ayaa uga digay Wafdiga uu hogaaminayo Xildhibaan Shariif Xasan inay yimaadaan magaalada Baydhabo.

Kulankii Gollaha Guurtida iyo Madaxweynaha ay maanta ku yeesheen xarunta ADC-da ee magaalada Baydhabo ayaa Madaxweyne Madoobe Nuunow si adag usheegay in aysan marnaba aqbali doonin in Wafdiga uu hogaaminayo Shariif Xasan ay u yimaadeen Magaalada, arrimo lidi ku ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, wuxuuna si adag uga ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta hadii Shariif Xasan uu u yimaado Baydhabo Qas.

“Marna raali kama noqon doono in Shariif Xasan uu yimaado Magaalada Baydhabo, waayo wuxuu wadaa arimihii aan xalka ka gaarnay ee sedaxda gobol”ayuu yiri Gudoomiyaha Gollaha Guurtida Malaaq Xasan Shure.

Tani waxay qeyb ka tahay mucaaradaha fara badan ee Shacabweynaha Koonfur Galbeed uu kala kulmayo Shariif Xasan oo wada fikirka guracan ee lagu kala goynayo gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo hada leh dowlad uu hogaaminayo Madaxweyne Madoobe Nuunow Maxamed.

Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

Email: Ishabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

WordPress Blog
Advertisement

Recently Commented

Archives by Tag

Free WordPress Theme
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology