Daawo Sawirrada: Xaflad Lagu Taageerayay Madaxda Cusub Ee Koonfur Galbeed oo Ka Dhacday Magaalada Istanbul

Posted by on Mar 16th, 2014 and filed under KEYDKA SAWIRADA IYO XULKA WARARKA, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

7Xaflad qurux badan oo si heer sare loo soo agaasimay laguna soo dhaweynayey ama lagu taageeraayay madaxweenaha dowlad goboleedka koonfur galbeed soomaaliya mudane Madoobe Nuunow Maxamed iyo Madaxweyne Kuxigeenka dowlad goboleedka koonfur galbeed ee soomaaliya Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka dhacday magaalada Istanbuul.

Munaasabadaani oo boqolaal dadweyne ay kasoo qeyb galeen ayaa ku dhacady jawi aad u qurxoon, iyadoo Xafladaani lagu soo dhaweeynayay dowlada goboleedka koonfur galbed soomaaliya, ayaa qaban qaabadeeda waxa si wada jir ah u sameeyay Jaaliyada ku dhaqan wadanka walaalahanahay ee TURKEY iyo ardayda oo muujiyay taageerada weyn ee loo hayo dowlad goboleedka koonfur galbeed soomaaliya.

Waxaa ka hadley xafladasi qiimaha weyn laheyd madaxweenaha koonfur galbeed mudane Madoowe Nuunow oo khadka telefoonka kaga qeybgalay wuxuu umahad celiyay dhamaan dadka ka soojeeda koonfur galbeed soomaaliya iyo dadka agaasimey xafladaasi qiimaha weyn laheyd. mudane Madoow Nuunow wuxuu kale xafladaasi ku cadeeyay in ragii fadhiyay Baar-bakiin ay soo raaceen dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, durba dadweenihii codkiisa dhageysanaayay ayaa isla markii istaagay oo ku farxeen hanbalyada madaxweenaha u sheegay taasina waxay muujisey in dadka ku abtirsada koonfur galbeed ay is raaceen.

Sidoo kale waxaa ka hadley Gudoomiyaha jaaliyada koonfur galbeed soomaaliya mudane Maxamed Abdullahi Sirmaqabe sidoo kale Madax sare oo ka tirsan Jaaliyaada Soomaaliyeed ayaa kasoo qeyb galay iyo marti sharaf kale kuwaasi oo muujiyay dareen xoogan oo ku aadan sida ay ula dhacsan yihiin dowlad goboleedka cusub ee Koonfur Galbeed.

Munaasabadaan oo ay ka dhacdey ISTANBUUL ayaa qaar kamid ah dadkii ka qeybgalay ka imaadeen ANKARA, KONYA, ISKA SHAHIIR,TAROOBSON, BURSA IYO SAKAARIYA. run ahaantii looma kala harin dhamaan inta ku nool wadanka walaalaha aynu nahay ee TUEKEY.

Xafladaan ayaa noqotay xaflada kaliya ay ka hadleen dhamaan jaalidaha kala duwan ee ku nool wadanka TURKEY lama sheegin oo lama maqlin inta la socono marka xaflad la dhigo waxaa ka hadlo inta badan raga xafladaasi dhigteen.

Xafladaani ayaa kusoo dhamaatay jawi degan oo ay farxadi ku dheehan tahay, iyadoo dadweynaha kasoo qeyb galay xaflada ay heeso wadani ku maawaalineysay fanaaniinta kala duwan ee kunool ISTANBUUL oo dareenka dadweyanha aad u kiciyeen.

1345678910111213334Note: Wixii Video Ah Dib Ayaan Idinkaga Soo Gudbin Doona Inshaa’allaaah.

Abdirisak Malaaq Deerow

ISTANBUUL TURKEY

amybaari143@gmail.com

Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

Email: Ishabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

Free WordPress Theme
Advertisement

Recently Commented

Archives by Tag

Free WordPress Theme
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology