Wararka Dibada: Madaxweynaha Jarmalka oo Walaac Xoogan ka Muujiyay Dhageysiga Telefoonada Dalkiisa ee CIA-da Mareykanka

Posted by on Jul 26th, 2013 and filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Joachim GauckMadaxweynaha dalka Jarmalka Joachim Gauck, ayaa walaac ka muujiyay hawlaha basaasida ah ee wakaalada Sirdoonka Maraykanka (CIA) ka samayso dalkiisa, waxaanu markii ugu horaysay tilmaamay in hawl galadaasi meel ka dhac ku yihiin xoriyada dalkiisa iyo muwaadiniintiisa.

Madaxweynaha Jarmalka oo hadalkan ku sheegay waraysi uu siiyay wargeyska lagu magacaabo, (Passauer Neue Presse), ee ka soo baxa dalkiisa, ayaa tilmaamay in mar kasta oo uu maqlo talaabooyin sirdoon, dal shisheeye ahi ka fuliyay dalkiisa uu argagax ka qaado, ilaa heer uu ku dhawaado inuu miyir doorsoomo sida uu hadalka u dhigay.

Gauck ayaa sheegay in wax la qaadan karo oo la dhagaysan karo ama damiirku ogolaan karo aanay ahayn, in muwaadiniinta dalka Jarmalka ay wakaalad sirdoon dal kale laga leeyahay, dhagaysato telefoonadooda isla markaana la faro galiyo sirahooda gaarka ah ee internet-ka iyo boosaha iyo dhamaan macluumaadkooda oo dhan midna.

Madaxweynaha Jarmalka ayaa dawlada Maraykanka ka codsaday in ay fahamto heerka walaaca iyo cabsida dalkiisu ka qabo, basaasida iyo faro galinta macluumaadka muwaadiniintoodu ka gaarsiisan tahay iyo sida ay u taabanayso xoriyadooda aasaasiga ah.

Madaxweynaha Jarmalka Joachim Gauck, oo ka mid ah hogaamiyayaasha aan inta badan lagu arag ama aan hor iman saxaafada horteeda, ayaa su’aal ka keenay sababta ilaa heer kalifaysa in Maraykanku dhegaysto macluumaadka dadka Jarmalka ah iyo dawladooda oo ay u dhexeeyo heshiis lagu soo afjaray, is daba galka iyo basaasida.

Joachim Gauck, ayaa marar kala duwan ku cel celiyay halista iyo xasaasiyada dadka Jarmalku ka qabaan talaabooyin noocan oo kale ah, waxaanu sheegay in Jarmal ahaan ay tiraba laba jeer oo hore soo arkeen xukuumado iyo maamulo basaasaya oo raadkooda ku daba taagan si ay xogtooda iyo dhaq dhaqaaqooda ula socdaan.

Ugu danbayntii waxa uu madaxweynaha Jarmalka Joachim Gauck, dawlada Maraykanka u soo jeediyay in ay gabi ahaanba ka harto daba galka dadka Jarmalka ah, isla markaana si cad raali galin uga bixiso, haddii kale dhagaysiga telefoonada iyo basaasida macluumaadka dadka Jarmalka ah ee (CIA)-du dhalin doonto xiriir xumo.

Faysal Maxamed Xasan

Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

Email: Ishabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

Premium WordPress Themes

Advertisement

Recently Commented

Premium WordPress Themes
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology