AL-shabaab oo kasoo hor jeesatay baaq Malaaqyada Digil iyo Mirifle ay u jeediyeen beesha Calamka

Posted by on Aug 18th, 2011 and filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

 

 

Kulan ay maanta isugu yimaadeen malaaqyada iyo wax garad kale oo ka soo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle ayaa waxaa diirada lagu saaray dhibaatooyinka abaaraha ee ka jira koonfurta soomaaliya.

Waxgaradka iyo malaaqyada ayaa isu imaatinkooda ku muujiyey in ay sii kor dheyso waxyeelada abaaraha isla markaana ay maalin walba u geeriyooto tiro dad ah.

Kulanka ka dib ayaa malaaqyada iyo waxgaradkii kale ee madasha joogay waxay shir jaraa,id ku qabteen magaalada baydhabo waxayna baaq u direen heyadaha gargaarka oo ay ka dalbadeen in laga caawiyo dhinbanayaasha ay saameynta ku yeelatey abaaraha.

Intaa ka dib ayaa ciidamo ka socda maamulka al-shabaab ee gobolka baay waxaa ay yimaadeen goobtii ay shirka jaraa,id ku qabanayeen odoyaasha iyadoona si cad uga soo hor jeestay in la muujiyo dhibaatooyin dhinaca bani aadanimada ah in ay ka jirto deegaanada koonfurta soomaaliya waxayna saxaafadii goobtaasi ku sugneyd ka qaadeen dhamaanba waxyaabihii ay doobeen iyadoona xitaa uga digay in ay baahiyaan wixii gaabtaasi ka dhacay.

Mid ka mid ah malaaqyada kulanka maanta ka qeyb galay oo codsaday in aan magaciisa la shaacin sababo xaga amaanka ah awgiisa ayaa ishabaydhaba u sheegay in maamulka al-shabaab ay uga digeen odoyaasha mudo dhowr jeer oo hore ah in ay ka hadlaan dhibaatada xanuunka badan ee abaarta ku yeelatay deegaanadooda.

Inta badan gobolda koonfurta oo ay maamulaan al-shabaab ayaa waxaa aysan ogoleyn maamuladda al-shabaab goobahaasi wakiilada uga ah in laga hadlo nolosha dhabta ah oo ay ku nool yihiin qoysaska abaarta ay sal kicisay iyo guud ahaanba wax yaabaha iyaga aaney ku qanacsaneyn dhinac walba .

 

Hasan nur

Moqdisho Somalia

Ishabaydhaba

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

WordPress Themes
WordPress Themes
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology