SIDEE NAF KAA JANJEERTA USOO JIIDAN KARTAA

Posted by on May 29th, 2011 and filed under DIIN. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry




Dunidaan aynu guudkeeda saaranahay waxa ku nool qomiyado kala duwan
kuwaas oo aan isku diin, isku af, iyo isku dhaqan toona ahayn, balse
wax ay kawada siman yihiin jaceylka, hinaasaha ama maseyrka iyo
waxyaaba kale.


Qarniyadii hore jaceylka waxaa uu ahaa mid ay dadku aad u qadariyaan
aadna u qiimeeyaan. Waxaynu ognahay in dad badan ay u dhinteen
jaceylka halka kuwa kalana dhibaatooyin badan kala kulmeen.

Dadka baalka lama ilaabaanka ah ka galay taariikhda jaceylka waxaa ka
mid ah jaceylkii Cilmi boodhari iyo Hodan, Qeys iyo leyla, Cantar iyo
ceebla.
Qarnigaan aynu ku jirno dad badani waxa ay aaminsanyihiin in jaceylku
yahay wax jira, halka kuwa kalana ay u heystaan in jaceylku uu yahay
wax aan jirin oo ku kooban afka oo kaliya oo aanan uurka jirin.
Laakiin waxaa xaqiiqa ah in jaceylku yahay wax jira kaasi oo ka
bilowda ka helitaan iskuna bedela dareen ku abuurma qofka qalbigiisa,
dadka aaminsan in jaceylku aan ahayn wax aan jirin waxaan dhihi karnaa
waa kuwa aan fahansaneyn wax uu yahay jaceylka oo aan wali wax
jeclaan.

Inta aanan ugudbin dulucda maqaalka oo ah (sidee ku kasbankartaa qalbi
kaa janjeera?) ayaa waxa laga yaabaa in ay dad badani, is weydiinayaan
su,aasha ah waa maxay qalbi kaa janjeera?

Qalbi kaa janjeera waa qof aad gaclootay oo isagana aanan u soo jeedin
jaceylkaaga ama ku mashquulsan qalbi kale.

Dhalinyaro badan ayey arintaani lasoo gudboonaatay kuwaasi oo qaarkood
ku degdegay in ay u soo bandhigtaan jaceylkooda qofkii ay jeclaadeen
iyagoo aan isweydiin maxaa kaaga imaan kara.
Waxa dhacda inta badan in qofkii ay u soo bandhigteen jaceylkooda uu
soo dhaweeyo soo dhaweyn aan uurka jirin balse ay katahay niyad dhis,
iyadoo qofkii jaceylka hayayna uu u qaato inuu ku guuleystay
jaceylkiisa oo uu helay qalbigii uu gaclooday.

Laakiin muddo ka dib ayuu ogaadaa in uusan helin jaceylkiisa oo uu ku
guul dareystay kasbashada qofkii uu qalbigiisa u taamayay.

Taasina waxa ay sababtaa niyad jab weyn iyo iyadoo qalibigiisu soo
gaadho dhaawac xanuun badan.
Qaar kale oo ka mid ah dhalintaan waxaa ay danta ku kaliftaa in ay
qarsadaan jaceylkooda intii ay guul daro iyo xumeyn kala kulmi
lahaayeen u soo bandhigida qofkii ay jeclaadeyn.

Taasina ma ahan mid uu qalbigooda ku bogsanayo, waxaana kusii kordhaya
jaceylka iyo rabitaanka uu u qabo qofka uu jacelyahay, Soomaaliduna
waxa ay ku maahmaahdaa waxaad qarsato weey ku qarsadaan.

Hadaba aqristoow hadii ay kula soo gudboonaato arintaan oo kale oo aad
weydo sidii aad u heli lahayd ama ku kasbanlahayd qofka aad jeceshahay
qalbigiisa, waxaad kaga bogankartaa dulucda maqaalka oo ah Sidee ku
kasbankartaa qalbi kaa janjeera?). Sidaaad ku kasbankarto qalbi kaa
janjeera wey fududahay hadii aad sameeyso shuruudahaan soo socada.
1.Ugu horeyn hanoqon qof ku degdega u bandhigida ama ugudbinta qofka
aad jeceshahay fariiintaada jaceylka.

2.Waa inaad tahay qof furfuran dabeecad wanaagsana leh.
3.Hadii aad tahay dumar waa inaad ahaataa qof xishood badan.

4.Waa inaad tahay qof qurux badan soo jiidashana leh.
5.Hadii aad tahay gabadh ama wiil ku dadaal sidii aad u ogaan laheyd
qofka aad jeceshahay waxyaabaha uu xiiseeyo ama balwadiisu tahay
adigoo aan weydiin qofka aad jeceshahay, Balse raadi wada kale oo aad ku ogaan karto sida adigoo ka wareysanaya saaxiibkii ama saaxibadeed
adigoo aan lagaa dareemin u jeedkaadu waxa uu yahay.
6.Mar walba uga sheekeey qofka aad jeceshahay waxyaabaha uu xiiseeyo.

7.Ogoow jaceylku indha malahan, Qofka uu qalbigaagu raacay hadii uu
yahay qof balwadiisu wanaagsaneyn ku dadaal sidii aad uga waanin
laheyd adigoo hadalo macaan kulahadlaya.

8.Qofka aad jeceshahay hadii uu yahay qof kaa fog oo aad laba wadan ku
kala nooshihiin ku dadaal sidii aad u xiriirin laheyd mar walba adigoo
telifoon kula hadlaya ama waraaqo lagu xardhay ereyo qalbiga u roon
ugu diraya aalada casriga ah ee internetka.Hadiise aad hal wadan wada
joogtaan, ama aad meel kawada shaqeysaan waa inaad mar walba ku soo
dhaweysaa waji furan oo ay farxadi ka muuqato.

9.Qofka aad gaclootay hadii uu kaa fogyahay ama meel wada joogtaan
noqo qof ka warqaba oo la qeybsada farxad iyo murug wixii soo wajaha.

10.Noqo qof loo xiiso marka uu maqanyahay iyo marka uu joogo.
11.Waa inaad tahay qof mar walba ilaaliya balanta.

12.Kudadaal in aad u hadiyadeyso qofka aad jeceshahay waxyaabaha uu
xiiseeyo.Ogowna hadiyadeynta waxey qeyb libaax leh ka qaadataa
kobcinta jaceylka.

Guntii iyo gabagabadii hadii aad intaa sameyso adigoo alle ku xiran
waxaa xaqiiqa ah inaad kasbaneysid qalbigii kaa janjeeray waliba adoo
afkaaga uga sheegan jaceylka aad u qabtid oo uu isaga kaalasoo hormari
doono jaceylka aad qalbigiisa ama qalbigeeda ku abuurtay.
Waxaan ku soo gabagabeynayaa qoraalkeyga in aad dhalinyahay noqotaan
kuwa ka fogaada waxyaabaha xunxun ee ay reer galbeedka ku dhaqmaan oo
aanay diinteena islaamka waafaqsaneeyn.

abdinasir omar sheikh aden (c/nasir carab)
kaanuu15@hotmail.com

Ka dhigo ishabaydhaba hoygaaga kowaad

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

49 Responses for “SIDEE NAF KAA JANJEERTA USOO JIIDAN KARTAA”

  1. zubeircade says:

    wad ku mahasan tihin

  2. Inaana+cadde says:

    Mahadsanid abwan xsn shp

  3. Maher says:

    Wow wat nu aqlese sxb thnk

  4. zuber says:

    waa fikrad fiican

  5. luul says:

    anigo juga magalada burssl sh Belgien waxan se xad daaf ah u jecladay wil juga magalada farans waxan rajeynayaa inaa mar dawo aqalgalno wax nahay lawo qof oh aad iyo aad isko jecl wax badan ayaan isko ooynay wax badan ayaan isradinay hadane waxan kugaaray heer kaan sawar jacelkane wa siwer xarar jacelka mafudoda eh wa xun lakin rawo in lo adkeysto wax quraayo lawade isjeclayen luul iyo xasan

  6. Axmed jokar says:

    Mansha allaah wanka helay qoraalkiina lkn mida ihaysata marnaba xalkeeda igu caawiya waxan jeclahay gabar waan ubandhigtay jaceylkeyga wayna iga guddoontay waliba si kalsoni leh waxan wada soconay mudo 4sano ah kadib waxan aaday adis ababa anigo dhoof rajeynayay wana iska war qabnay wan wayay dhoofkii markan soo laabtay runtii waxan dareemay is badal weyn waxan wayay arageeda heer waxay gaartey ayna telka iga qaban runti waan garan wayay sababta maalin ayaan arkay waxay isheegtay in qof kale ay sheekeystaan sidaa owgeedna aysan macquul aheyn wada socodkeena waxayna igu danbeyay hadalkeda jaceylkeenii anba waan udarsadey lkn lacag ayaa meesha timid ee ka xulo dooqa galkacyo bye aniga gabadha waan jeclaa waana jeclahay waxay aheyd nuurki indhaheyga wehelkii nafteyda dooqii qalbigeyga hanashadii rajeyda lkn mudo shan bilood waan isgaran lahay inaan waalanahay iyo in kale waxaa iga tagay koontroolka meelan jooga ayaan garan wayaa fadlan ila taliya sxbyaal qamuunya jaceyl ayaa igubayseee

    • Saas ma aha ilaah baalageclaadaa ilaahay talosaaro

    • mohamed says:

      walaal axmed iskuday inaad qalbigaaga farxad siiso naftana usheeg inaad helesid qofkale o naftada ku qanacsantahay o waliba in badan wax dheer qoftii hore, xasustayda iskadhaaf marwalba naftaada xumaantadeyda khiyanadeyda ugu shekey si aad ugu fogaatid, sameey xarir qofkale marwalbana is mashqulo banooni baashaal cibaado iwm, sxb rabi haka saaro dhibka wa iska aduun

    • faduma says:

      Abowe samraa sdkisa mawayo marka is kasamir

    • Don ilkacase says:

      Sxb Axmed talo waa tii Rabi marka hore balse sxb hadi u jclkeda dhab ahaa iska sug waa tii soo noqotaa sxb ha dherato mise ha dhawaato intaba lkn adiga farxd uun mujiso kuna dadaal saad dib dambe ugu so celin lehed adiga naftda uga sheky wxi dhexdina so mary iyo in aad naftda iyo nafteda aad u baxday wax qabd in aad uhorsedo aad rabty intas hadey ka aqbali weyso ayada ayaba dhnkeda diciif ahaa ee adigana dantada iska raaco sxb dumarka adunyada ayey buxne bruh marka sidas smee sxb

  7. abdiweli says:

    thanks talabixinta aad nasisay wll

  8. Nimco Abdi Nuur Ali says:

    Waaa Talo bxin wnagsan wllo ad ayad umahasanthay

  9. Ahmad Zaki says:

    Ad iyo ad ayad umahad santihiin

  10. cabdixakiim says:

    masha allah talo fiican ayaad siisay dhalinta

  11. Saas ma aha ilaah baalageclaadaa ilaahay talosaaro

  12. Asc dhaman bahda ishabaydhaba wam idin salamay salantas oo an idin somarinayo hawada, magacayga waxa ladhaha Abdiaziiz dadka ii yaqan badan koda waxay yaqanan neynasteyda oo laa yirahdo mudane warfaa waxan joga wadanka kenya gar ahan waxan kaga nolahay mel ladhoho kakuma waxan leyahay qofki soqoray wanadan ama dadki isku kashaday melkasta uu adunka kajogo ama ay ka jogan wad mahad san tihin ama wu mahad sanyahay coz wano fa,ido ii ah ayuu isiyay ama dadka ila mid aha ayuu siyay wixi horay iso maray waxa ay ii tahay wayo arag nimo wayo midi kobad hadi an ku fudu daday oo anan kafirsan markan waxan iska dhawray mida labad tariiq ima labna walalkeygi so qoray wanadan wad mahad santahay

  13. Riyo Doon says:

    Asc all gudiga iyo inta barnamijka la socotaba sln kadib asxabta aniga
    Waxan wataa hal arin arinkasna waa inan qofka aan ubahanahay
    In an kala bodeno sababta ma aqan

  14. farduus says:

    mansha allah waa talo wanaagsan
    aad buu u mahadsanyahay inankii maqalkan qoray

  15. Nasteho says:

    Qofkii aan jeclaaday mar hore ayaa u bandhigtay jaceylkii aan u qabay lkn iima soo jabaabin maxaan sameyn karaa?

  16. faduma says:

    Ww mnsha allh

  17. faduma says:

    Asc dhaman bahda ishabeydahab wan idin salamy saln kadib wxn jclesty in aad ilatlisn wxn wxn is lasocony wil kabcdina wilkii qilf ayaa dhxdena yimid markaa wilkii wuu IGA xnqay wn is kudayy in Aan rali galiyo blse kugulesn way qofkle ayuu brty anna assign jclhy iltliya taldii ayaa IGA bhdy

  18. jamacadan says:

    Waad mahad santahay aad iyo aad walaal waana ku dhaqaaqayaa sida ugu dhakhsiyaha badan thanks

  19. Marwo nimco says:

    Manzha allaah
    nice words

  20. mouna mawel says:

    Asc asxbta wad salamantihin waxan iden waydinaya wiil ayan jecellahy lakin isaku war imahayo bas sidi walaltinimo ayan uu wada hadalana bal maxan samayn kara ila taliya walalayal mahad sanid

  21. xasan kafi adan says:

    m.allh runti wan kaaaga mahad celinayaa sxb waa arin talo wnagsan ah oo aaad iyo aaad wax Ku ool u ah thnkz mar labaad

  22. samatar says:

    asc wr wb dhaman wa idin salamay wa samatar abdi omar oo joogo kenya horta mahad ilhy ayaay u sugnatay sc marka labadna qoraaga maqalkaan soo qoray wuna i cajab galiyay walhi…..tankale aqyareey mudo labo sano ah ayaan qof hawada ka jeclaa aaadna waan ukala fognahy xaqiiqa ahaaan waaayo labo qaarad ayaan ku kala noolnahy..mudo bdan oo aan kala gabsaday in an uso bandhigto dareeenkeyga ugu danbeyn wan u sheeegay lkn mxa dhacay in laygu soo celsho codsigii kadibna laygu war giliyay in aay taaaas macquuul ahayn siwalbo ayaay wax ugu dhadhiciyaaay lkn kuma guuleysanin hdana waan ladhibanahy kalgacalkkii iyo dareenkii qofkaaaas aan u qaada….marka asaxabta qadarinta leh talo iyo tusaaale wa xagiiina

  23. sakariye says:

    wllo aad ayaad u mahadssantahay mahad ka dib anigu waxaan jeclahay gabdh aan isku meel kusoo barbaarnay waxaan garan la aa sidii aan jacaylkayga ugu sheeganlahaa balse adiga ayaa ii fududeeyay aad iyo aad ayaan kuugu mahad celinayaa

  24. Nuura says:

    Asc dhaman wn idin salamay horta anuu qof wn jecelahay isna uu i jecelyhy lkn anu marabo jaceylkayga inaad igula talisiin waxa jira 2 hablood oon asxap nhy labaduba wiil kaliya ayey wada jecel yhn labadoodaba wiilku midna ma oga jaceylka ay u qabaan marka ila taliya mxa xal ah oon u sameya labadoodaas taladu waa xagiina‏ ‏

  25. omar says:

    alx ilahaybaa mahad iska leh marka labaad wad mahadsantihin bahda ishabaydhaba 100%.
    aniga hadan iska hadlo waxan jecayl u qaaday gabar oo aan isku xaafad aheyn.gabadhii waxan darensiyay inan doondonayo wayna ila fahantay.hasa yeshe waxan dareemay inaysan iisoo jeedin xata waxan isku dayay inan la kulmo wayse iga diiday dhowr jeer.aniga gabadha aad ban u jeclahay kamana maarmo lkn waxan ku il qabowsan jiray arageeda oo aan arki jiray yadoo suuqa kasoo adeegtay.balse hada wan kasoo tagay magalada ay joogtay oo waxan jogaa magaalo kale.maxan sameya oo tala ah akhyaareey.

  26. mouna mawel says:

    asc wall iso jawaba wan idin sugaya walalay waxan ahay naf jacay hayo su ashaydana mar horay ayan soqoray wali wax jawab ah man helin walalayl ila taliya wa
    walashin mouna mawel oo jogta dalka jibouti
    wad mahad santihin

  27. Mowliid abdisalan afkalahaye[Bakar yare] says:

    Waxan salamaya dhaman dad waynaha isticmala adega internet salan ka dib run jacaylku wu jira blse hada anu i haya nasiib wanag qoftan calmaday wan helay iyadana iso codsatey waxan dhalinta somaliyed uga digaya inaney ku dag dagin jacelka
    WA BILAAHI TOWFIIQ

  28. khaalid says:

    Asc dhamaan dhalinta jacaylku hayo salaan kadib kaliaata waxaan idinka codsanayaa inaad isugu kaaya ducaysaan ruux aan inbadan Kala qarsan jirnay jacylkayaga lkn se aan isu sheeganay markii danbena isu iilmaynay duacdu waa xagiina

  29. abdulqadir daadaa says:

    ilahy ha idin garab galo

  30. ramla says:

    asc bahda isha beydhaba run ahaantii aniga waxan ahy wada jcyl igama dhamado kuma guulaysto qofkasta oon jclado asna wuu ijclada saasoy thy hadana iskuma raagno oo wan isku dhacna wiil ayan labo sano isjclayn aaadan u jeclaa asna sidookale lkn dhibka tahan ayaa ahaa hadan kudhaho waan jclhy beenlybad tahy ayuu iga horkeenijiray imana jclid ee filimanta hindigad dawata ugu sanbeyn wiil aad u jcla wan wayy wayo waan kadhadhicin wayy in aan jclhy mudo 2bilana lamahadlin qofkale ayuu helay malaha ana waan u ilmeeya waqti kasto

  31. asc waan idin salamey jecelku sidiisaba masahlan kuwa wax jecel iyo kuwa lajacelyahay ha is tixgaliyaan by by

  32. zakiyo says:

    asc anigoo magaceyga ah ismahaan ahmed nur waxan ubahnaa in lailataliyo waxaan waxaa ijecladay wil aderkey dhalay waxa uisobandhigty jcelkisa wan Ka aqbaly anigon jeclen wilka marku isowaco waxan kula hadlaa hadalo adag wuiga niyad jaway lkn hada aniga wan jecladay senkuso jitaa talada waxagina

  33. king awale says:

    mnshllh wllo aad baad ugu mahadsantahay qormadan aadka uxiisaha badan waa talo aad ufiican run ahaantii waa mid lagu faaiidayo

  34. Nataash says:

    Asc wllhayga wn idin salamaya salaan kashkiyo labta kaso go’day Kkkk wn farxay wllahi wyo wxa la i siiyay talo wngsan wxn ahay gabar weydey meel ay uso marto jacaylkeeda walina maso bandhigan darenkayga jacayl wad mahadsan tihiin.

  35. maxamd slmn ismaciil says:

    asc wn slmya inta mgcayga taqaano iyo inta iyo intan aqonba mgcygu waa #mxmd slbn ismciill waaa mhd sn yihiin lataliyayasha qiimha iyo qaayaha mudn ilhy ha idinka abal mariyo amin amin

  36. Don ilkacase says:

    bahdan waan idin salamy asxbta koley bahi dhlin yaro in aad daweysan ayad u jogtin wad mhdsan tihin sxbyal gcan qabadka aad u hesyan dhalin yarada iyo fikradaha aad sineysan

  37. daha ina isaaq says:

    Kolay waxna waan u bogay waxna ilama qumana

  38. leila says:

    masha Allah waa qormo macan

Leave a Reply

WordPress Blog

Advertisement

Recently Commented

WordPress Blog
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology