Madaxa sare ee shirkada Batroolka soo saarta ee Shell oo ay wada leeyihiin dalalka Ingiriiska iyo Holland ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu kamid yahay goobaha ay weli ku leeyihiin sahminta shidaalka ee mustaqbalka.
Peter Voser oo ah Agaasimaha guud ee shirkada Shidaalka ee Shell ayaa hadalkan kasoo jeediyey siminaar ay soo qaban qaabisay Jaamacada Boston ee dalka Maraykanka oo looga hadlayey wax soo saarka Gaaska ee dunida .
Peter Voser ayaa ka hadlay qorshaha shirkada Shell ee ku aadan Qaarada Afrika wuxuuna sheegay inay hadda xoogga saarayaan goobaha sahminta ee loo ogolaaday ee ku yaal dalka Tanzaniya iyo Jasiirada Zanzibaar.
Agaasimaha shirkada Shell ayaa ka gaabsaday inuu faah faahin ka bixiyo warar bilihii ina dhaafay soo baxayey kuwaas oo sheegayey in shirkadaasi ay sidoo kale shidaal kasoo saari doonto dalka Mosambiik oo dhawaan la sheegay inuu dhoofin doono saliida cayriinka ah gaar ahaan gaaska dabiiciga ah, wuxuuna ku gaabsaday in arrintaasi ay mar kale faahfaahin ka bixin dooonaan.
Dhinaca Peter Voser ayaa sheegay in Shirkada Shell ay weli goobaha sahminta shidaalka ay ku leedahay dalka Soomaaliya, isagoo ka gaabsaday in uu faah faahin ka bixiyo mar wax laga weydiiyey arrinkaasi xilli uu kaga qeyb galayey siminaarka ka dhacay magaalada Boston ee dalka Maraykanka oo looga hadlayey wax soo saarka iyo barista gaaska, shirkadaha bartoolka soo saara ee BP, Shell iyo Chevron ayaa kamid ah kuwii heshiiska la saxiixday dowladii hore ee Soomaaliya kahor burburkii dagaalka sokeeye, waxayna dhamaan shirkadahan weli ku dhagan yihiin inay xaquuq u leeyihiin inay baaritaanka shidaalka ka sameeyaan dalka Soomaaliya.
Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa bishan shaacisay inay dib u bilaabeyso howlihii baaritaanka Batroolka ee dalka Soomaaliya sida uu warbaahinta u sheegay Agaasimaha Guud ee Wakaalada Batroolka ee Soomaaliya Xuseen Cali Axmed oo dhawaan ka qeyb galay kulan ka dhacay dalka Mosambiik oo looga hadlay wax soo saarka wadamada ee dhinaca bartoolka.
Shirkada BP ee laga leeyahay dalka Ingiriiska ayaa horey u sheegtay in ay maalgashi ku sameyn doonto dalka Soomaaliya, xilligii uu socday shirkii London loogu qabtay arrimaha Soomaaliya sanadkii lasoo dhaafay. Waxayna Arrimahani muujinayaan sida ay shirkada batroolka soosaara u daneenayaan dalka Soomaaliya,inkstoo khubarada dhanka batroolka iyo waliba sharciga ay sheegayaan inay wali jiraan caqabado ku aadan dhinacyada sharciga iyo Amniga ee arrimaha barista iyo wax soosaarka shidaalka.
Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa weli si rasmi ah u dejin habkii loo maareyn lahaa wax soo saarka dhanka batroolka iyo waliba sidii la isu waafajin lahaa heshiisyadii ay saxiixeen maamulada dalka Soomaaliya ka jira sida Puntland oo horey u bilowday baaritaanka batroolka iyo Somaliland oo dhawaan dooneysa inay iyaduna dhankeeda bilowdo.
Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com
Email: Ishabaydhaba@hotmail.com