Tani waa talaabo ku dayasho mudan misna muujinayso in qofka muwaadinka ahi uu wax qaban karo kaligii hadii uu leeyahay hadaf muuqda oo uu ummaddiisa uu wax ugu qabanaayo aaminana inuu wax qaban karo.
Guud ahaan badbaadada ummadda waa xil saaran qofkasta ee ku abtirsada ummadda hadii ay ummaddu sidaa u fahamtana waxaa horumar laga gaari karaa howlo badan oo ay ummaddu ka sugayso Xil-Madhibaano loo idmaday hogaanka Ummadda misna ku guul daraystay inay wax ka qabtaan baahida hogaaneed ee ay ummaddu u idmatay.
Muwaadin Ilyaas Qalinle waxa uu fursad qaali ah u helay isla markaana codkiisa ugu faa’iideeyay ummaddiisa in Madaxweyne Xasan Shiikh uu xasuusiyo qodob Dastuuri ah oo xitaa Gudoomiyaha Baarlamaanka JF Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Lixdan iyo Kow Xubnood oo Baarlamaanka ugu jira Qawmiyada Digil iyo Mirifle ku guul daraysteen inay miiska soo saaraan.
Bal ila fiiri dhacdadan taariikhiga ee Muwaadin Ilyaas uga faa’iideeyay ummaddiisa iyo sida uu Madaxweyne Xasan Shiikh uga dhabeeyay Balan qaadkiisa ayadoo aan bishii dhamaana TV Ummadda Soomaaliyeed ee SNTV lagu soo biiriyay warka oo Af-Maay inkasta oo uu bilow yahay hadana waa talaabo horay loo qaaday oo weliba la doonayo inay ku daydaan kooxda ceebsada ku hadalka Af-Maayga ee iska gada kuwa cadowga ku ah jiritaanka ummadda.
Waa guul aad u muuqata dhiira gelin iyo ku dayashana mudan jab iyo jahwareerna waxay ku tahay cadawga ummadda iyo kooxdan magacooda ku matala masraxa siyaasada Soomaaliya oo ay ugu horeeyaan Xil-Madhibaanada Baarlamaanka oo xitaa ku guul daraystay inay afkooda ku hadlaan gudaha doodaha Baarlamaanka taa bedelkeedana ay doorbideen inay ku hadlaan Af meel uu raacsan yahay aan la aqoon Maay iyo Maxaa kaasi oo in badan oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka beelaha kale ay ku maadaystaan kuna madadaashadaan taasi oo ugu danbayn dhaxal siisa in Xil-Madhibaanka Maayga ah uu isagoo iska aamusan uu meesha yuuraro gabana howshii loo idmaday.
Waxaana leenahay Xil-Madhibaanayaaloow ama Xilkii aad qaadeen ku shaqeeya ama dhiga xilka.
Abdiaziz Sheikh Salah
Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com
Email: Ishabaydhaba@hotmail.com
masha allah waliba in mahad nageey mudane ilyaas qalane iyo webkiisa ishabaydhabo iyo masuuliyiinta reer d iyo m lanki afkun diidin uskudhimidoy
WAAN IDIN SALAAMAY DHAMAAN ASXAABTA SALAAN KADIB AAD AYAAN UGU FARAXSANAHAY ARINTA KA SOO YEERAY TELEFISHANKA QARANKA MARKA HORE MAHAD SANID ILYAS QALINLE IYO CABDICASIIS MARKA SIDAXAAD WAXAAN U MAHAD ELINAYAA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA OO KA DHABEEYAY BALAN QAADKII AHAA IN UU FULINAYA QODOBKA DASTUURIGA AAH AY ISKA HILMAAMEEN MADAXDII ISAGA KA HORAYSAY GAAR AHAAN KUWA DIGIL IYO MIRIFLE OO KU FAC NOQDAY IN AY KA FIKIRAAN OO KALIYA CALOOSHAADA WIXII KA HARAYNA AYSANBA SHAQO KU LAHAYN AAD AYAAN UGA XUNAHAY ARINKAA AY KU DHAQMAYAAN KUWA MAGACEENA KU FADHIYA, MIDA KALE HALKAN WAXAAN BAAQ UGU DIRAYAA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA WAXAAN LEEYAHAY HADII AAD SI TOOS AH U FULISO IN ISKUULADA IYO JAAMACADAHA LAGU DHIGO AFKA MAAYGA AH WAXAA ANIGOO KA MAS’UUL AH SHUCUURTA DADKA KU HADLA AFKA MAAYGA IN AAN MAR KALE CODKEENA KU SIIN DOONO OO AAN DIB KUU SOO DOORAN DOONO. WAA MAHADSAN TIHIIN BAHDA ISHA
Salaamingtiing salaang ba’adishe, may eed ingki farahsina ingti any aryghy telefishing qaringky oo Af-maay warki lahakidhiyaw,may buwa tillaapy eed Uni ingky farahniyuu,tang kele may ogna ingti hillipaanethiiteeng uny ing dooriny ingti umydy wal qopidsho arigdi yaa may eed guul dory aha ingty geeky kuhathily waayang Ariktithiyo ke’eeding jubbooyingky,may arighahaayne ingti maalmooghing lileyi juboooyingka maamul ling sameeye,leying dad sheley dhulkaas kiseetheng mini shiibinimy,qaarny maaby ingshal kasaany hattaa ingty degmy oo kismaany’ kykoopingty isku dhaaf jubbooyingki dhang,may dary hillypaanethiiteng,gathyny’naa?misy geerar beeng ewa ling qaathy?guul dory ma ahaa geerad sheley lang guul wathow siyaad tardis gogholaa hanky fedheethy goroorty kiing ruhaayi,geeky ke ery athy marty iing e’maamulny kiing suubiyee?hee taas may iilly ettaa ariity aathiyee si may dhalaw ertiyu,
Tang key su’aally any isweydiyawa may etaa”iii Hillipaane niingky jerang barlamaangky may dheeghey bathithiyo ingty luku sheeny binangky,tang any sing warsithawa may ee’maay si lingky hathilawa ingkasaanee? hooby kahathilang way siing liyaaapewa leyiina?misy sheeghithahiiiiii beesi dhiipeng sy meelli binaang lingky buuyi?
Tang kely ummidy Dighil ii Mirifly may warsitheey’maayawoothy waaytena hataa ingty ising lihisaabtingtang dadky sheley isiing erteeng baha wala niing etiny?
may siing lahaa walaaliyaalow fidhighy hay kukohoy,kopony ligalitha,lug gooyi lug ii lamy ay siingku gooyney’
Ilyaas waa shakhsi hawshuna keli kuma aha dadbaa dadaal kula jira marka dhamantod waxan leeyahay hawshiinu waa bilow una baahan in leydinku garab istaago, reer digil & mirifle waxan leeyahay hor umar waxa lagu gaara isku duubni is aaminad & daacadnimo dadkaan haloo sameeyo hogan maktabad dhaqaalena haloo abuuro waayo? Maalgelin la,aan wax lama socodsin karo, bishii qofkiiba haldolar hadu bixiyo hawshu waa lagu kutubinkara.
Fadlan dadki kudowahaw afkun maaymaaydi may sin odsidey afhumudu dhaafi ilbahnimidi is aayow me eh mayba lifadey in la adeegsidi istaraatiijiyi i sabar badin. Wll dadki digil i mirifli sidiwin wal hanbaradi mayba erey halqorey taariikhdi reewin intii liki towinyi hanogotey dadki diinti hogamiy aayi , geesiyalki, dhulki reewin hagi in liyi sidi bardheri ,arbac rukun wali kg haki jiri iwm.
ASALAAM ALEYKUM WALAAHI HOOLI TAN KIWIINTA FARAH (RI WILBI SHOLOLKII ISDHIGTO LIKI GORIYI) GEESI GARAB BUUHO GUURI EE REGI HOOLUN SI EED E INISKI MASHQULIYI MIDIGTIYO HAL SURUMEY AYLI FUDUDAYSINOY
Mashaa allaah madaxwenaha arinta horta usufulye eed iyo eed yaaiinka mahadsanya ilyas guul feylan umada mayga kihadalan inhoyeti tan weydha korne guul guul ilyaas dadal akhii khfki dadali dete walaa usuhamiyow marka kongartuleydhin
maasha allaah ilyees ada camal iyo intii kiila mid eeh ilaahay niin badii inii ada kii wiinti jiritaanka digil iyo miriflena hada ma bilaawn ilaahay ha ki dhoora baraarujin wiina suubi lan walbana walii digil iyo mirifle in qobadii taariiqda dhikaas. digil iyo miriflee tusa lanka walaalkiin eeh ee wal siin qobada taasna walaaliyaalow derdaarin yee oo eta wa bilaahi towfiiq.
ilaahow khayr ku sii ilyaas qalinlow runtii wax weyn oo taariikh ah ayaad qabatay runtii waxaan ku leeyahay dadaalka aad ku jirto ilaahay hakula garab galo taariikhda ayaa ku xusi doonta oo tani ma noqon doonto mid la iloobi doono digil iyo mirifle guul guuleysta.
sharaf…wa aran eed lanka faraxa ini afka maayka ku dheegna idaacada..eeda an mahadsanya qalinle taariikhda kii qora doongna insha allah..dadaala d i miriflow dadkiin i dalkiin wal an qobada..an dhimada an dhibooda ileen isinga iska leh arlaada…wbtfq
Waaaw adan ugu faraxsanahay in afka maayga loga hadlo tvga qaranka wana umahad celinaya howshan inta qabatay midalkale Dm umadaha kale mar walbo gadal ayey kajiran oo waxa lagu xisaba dad dambeeya waxayna soo toosan waqti dambe war ilahay kabaqa oo umadina udanqada wad dhimatene aniga ma eedayo xildhiban kaliya oo waxan eedaya qof walba oo beshan katirsan ama xil hahayo ama yusan hayin maxa yelay waxa nalo bartay dad aad ujilicsan oo dhibata marnaba keni karin sidas darted wixi larabo aya nalakasameysta waxa iga dardaran ah inan noqono dad ad uadaq oo isku duban viva DM
Waaaw adan ugu faraxsanahay in afka maayga loga hadlo tvga qaranka wana umahad celinaya howshan inta qabatay midalkale Dm umadaha kale mar walbo gadal ayey kajiran oo waxa lagu xisaba dad dambeeya waxayna soo toosan waqti dambe war ilahay kabaqa oo umadina udanqada wad dhimaten aniga ma eedayo xildhiban kaliya oo waxan eedaya qof walba oo beshan katirsan ama xil hahayo ama yusan hayin maxa yelay nalo bartay dad aad ujilicsan oo dhibata marnaba keni karin sidas wixi larabo aya nalakusameysta viva DM
is good news qof waliba somalia in uu helo wax oo jecelyahey mid kale somalida waxaan u heestey in somalia bas ku wada hadlaan waan soo dhawynaa luqadaha cusub
maaaasha allaaaaaaaah wlhi waa arin aad loogu farxo dadkii ka shaqeeyey howshaas aad iyo aad ayan ugu mahad celineynaaa
walaalkeena ilyaas illaah qeer ha siyo runta aad baan ugu farxay akhbaartaan
runti afka maayga lagu hadli waayay waxey lamid tahay beel weynta digil iyo mirifle ooo qadka laga saarey runti kuwa isku sheega inay matalaan uma digi iyo mirifle oo ilaa iyo hada wax ay qabteen aysan muuqanin waxan leeyahay waxa lagaari doona waqti aan soo dooran doono qofkaan doonayno
mida kale
anaga hadaanahay umada digil iyo mirifle waxaan leenahay kuwa xil madhowryaasha ah inay iska casilaan inta aan lagaarin runta
aad ayaad umahadsantihiin reer webka aan jeclahay eee ishabaydhabo
iyo aqriistiyaasheedaba
asc waxaan halkaan kasalaamaya milkiilaha webkan oo marweliba noo soo bandhiga waxyaabo umadeena ay iska iloobeen wxaan kaloo salaamaya abdi aziiz waxaana leeyahay xilibaanda idinka ayaa dhaama umadiinana idinka ayaa umaaqan oo yaalagu halaynin ayaan qabaa waana mahadsantihiin
salaamucaleykum salaan kadib waa guul u soo hoyatay dadyowga ku hadla afka maayga wayna ku mahad sanyihiin walaalaha arintaan guusha ka soo hoyay waaan halkaan baaq dheer ugu dirayaa dhamaan dhalinta dm waxaan idin lee yahay walaala yaal iska ilooba oo ha tirsanina inta kor u dhaaftay 40-ka sano oo intaa ka yar inay isku imaadaan haka tashadaan mustaqbalkooda iyo sidii ay umadooda wax ugu qaban lahaayeen ayaan idin leeyahay wabilaahi towfiiq.
scw, dhamaan bahda isha iyo akhristayaasha waad salaamantihiin salaan kadib waa arin aad loogu farxo runtii waxaan marka hore u mahad celinayaa ilyaas qalinle marka labaad madaxweyne xasan oo ka dhabeeyay balantii fuliyayna qodob sharci ah oo laga waysanaa in ay fuliyaan caada qaatihii shariif xasan iyo xildhibaanadii dm prof jawaari iyo xildhibaanada hada waxaan leeyahay wax badan ayaa jira oo u baahan in aad wax ka qabataan bilaahi caleykum sidaan si isku dhaama oo dadkaan meelaha lagu kufsanayo ka hadla oo ku celiya deegaanadooda aaway damiirkiina? dhiig isku yeela
xil-madhibaan xaalkaa ba wax matarayaal ayaad ku sifowdeen war fadhiga ka kaca oo ka hadla dhulkaan boobka lagu hayo iyo dadkaan caburinta lagu hayo oo kufsiga lagula kacayo maalin walba ilaah kabaqa
waaaaaaaaaaaaw aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in aan sntv ka maqlo afkii aadey oo looga hadlaayo maashalaah intii ka dambeysay howshaan waxaan leeyahay ilaahay garabkiina ha galo gaar ahaan qalinle iyo madaxweyne xasan waad ku mahad santihiin kuwa xildhibaanada ahna waxaan leeyahay sidaan wax iska bedela oo deegaanadii aad meteshaan ka hadla waxa ay u baahn yihiin.
cabdicasiis sheikh salah eedaa in mahad santa gormadun ku ada ku diyaarida arintun tarikhda eh ilyas qalinle way lahaa nolow.