Wararka goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Shan qof ay ku dhaawacmeen dab caawa ka kacay suuq ku yaalla xerada qaxootiga Xagardheer ee gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya.
Dadka ku dhaawacmay dabka ayaa qaba dhaawacyo kala duwan, waxaana la geeyay isbitaalka Xagardheer.
Ilaa hada lama garanayo waxa dabkaa sababay, mana cadda inuu jiro khasaare hantiyeed oo uu geystay, waxayna goobjoogayaashu sheegayaan in uu socda isku day lagu doonayo in lagu damiyo Dabka.
Marar badan oo hore ayaa xerada qaxootiga ee Xagardheer waxaa ka kacay dab khasaare badan geystay.
Faahfaahin Wixii Intaa Dheer Kala Soco Wararkeena Dambe Haduu Alle Yiraahdo.
Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com
Email: Ishabaydhaba@hotmail.com