Turkish Airlines oo Shaaca ka Qaaday in Dad Soomaali ah ay Baasabooro Been ah ku Raacaan Diyaaradooda

Posted by on Feb 22nd, 2013 and filed under KEYDKA SAWIRADA IYO XULKA WARARKA, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Maamulka shirkadda diyaaradaha Turkish Airlines ayaa xaqiijiyay in ay jiraan dad Soomaali ah oo iyagoo isticmaalaya baasaboorro been abuur ah ku safra diyaaradda si ay u galaan Yurub, kaddib markii uu dhowaan taliyaha laanta socdaalka iyo jinsiyadaha ee Soomaaliya jeneraal Cabdullaahi Gaafow Maxamuud sheegay in ay qaati ka taagan yihiin dadka baasaboorrada been abuurka wata.

Afhayeen u hadlay Turkish Airlines, Merve Oruc ayaa sheegay in ay dhacaan kiisaska ku saabsan dadka baasaboorrada aan saxa ahayn ku safraya ee raacayo diyaaradda, isagoo tilmaamay in waaxda socdaalka Soomaaliya ay kala shaqeynayaan sidii arrintan wax looga qaban lahaa.

Mas’uuliyiinta Soomaalida ayaa walaac ka muujiyay sii socoshada falalka noocaan ah oo keeni kara in ay Turkish Airlines joojiso duullimaadka ay ku tagto Muqdisho.

Hase yeeshee Mr. Merve Oruc wuxuu xaqiijiyay in aysan shirkadoodu u qorsheysneyn joojinta duullimaadka.

Gaafow ayaa maalmo ka hor sheegay in kooxaha dadka tahriibaya ay Muqdisho ka billaabeen in ay baasaboorro been abuur ah u sameeyeen dadka magangalyo doonka ah ee raba in ay Yurub galaan, arrintaas oo uu xusay in ay dhibaato xooggan ku heyso.

Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com

Email: Ishabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

WordPress Themes
WordPress Themes
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology