War Lagu Farxo: Shirkii Maamul u Sameynta Gobolada Jubbooyinka oo Dib u Dhac ku Yimid

Posted by on Feb 22nd, 2013 and filed under KEYDKA SAWIRADA IYO XULKA WARARKA, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Guddiga farsamada maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka ayaa galabta ku dhawaaqay in uu dib u dhacay shirkii maamul u sameynta gobolladaas ee la filayay in uu maalinta berri ah ka furmo magaalada Kismaayo.

Guddoomiyaha guddiga Maxamed Ibraahim ayaa ka sheegay shir jaraa’id in uu shirka dib u dhacay kaddib markii casuumaddii ka soo qeybgalka aysan ka soo jawaabin madaxda ugu sarreysa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo qorshuhu ahaa in ay shirka furaan.

Maxamed Ibraahim ma uusan sheegin waqtiga la qaban doono shirka, balse wuxuu tilmaamay in ay dib ka soo sheegi doonaan.

Guddiga farsamada ayaa dhawaan sheegay in shirka uu yahay mid maamul loogu sameynayo gobollada Jubbooyinka, looguna talagay in ay ka soo qeybgalaan  500 oo qof oo ergooyin ah, oo isugu jira dowladda federaalka, urur goboleedka IGAD iyo dadka deegaanka.

Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com

Email: Ishabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

Premium WordPress Themes
Premium WordPress Themes
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology