SEDAX MA ISKA DHISNAA (QEYBTA 2-AAD) BY: FAYSAL MUSTAF OMAR

Posted by on Feb 22nd, 2013 and filed under Af-Somali, KEYDKA SAWIRADA IYO XULKA WARARKA, MAQAALO, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Salaan kadib, sidaad lawada socotan waxan soo sheegnay sedax meelood oo muhim ah haddii aan iska dhisno mudo gaaban kutalaabsan karayno horumar lataaban karo, qormadii hore waxan oga soo hadalnay sedaxdaa mid ka mid ah, wuxuuna ahaa, dhaqaalaha iyo muhimadda uu uleeyahay dhaq dhaqaaqa iyo horumarka bulshada.

Maantana waxan ka hadlaynaa mida  labaad oo ayaduna ku xigta tii hore waxayna tahay sida soo socota:

2. XOOGAG MELATARI  IYO XOOGAG AMAAN:

Xoogaga melatarigu shaqadiisu waxay tahay inu dalka ka ilaaliyo ama kadifaaco xad gudubyada oga imaanaya dibadaha, waxa waajib ku ah ilaalinta xuduudaha wadanka gaar ahaan xuduuda badda,dhulka iyo cirkuba, wixi cadow ah oo dhankaa ka yimaada xoogaga melatariga ayaga lagula xisaabtamayaa.

Hadaba si howshaasi u gutaan waxa muhim ah in loo helo wax yaabaha so socda:

- Tababar tayaysan: dhamaan askarta katirsan melatariga qaranka waa in ay ahaadan kuwo utababaran qaab cilmiyeysan, qofka ciidan ahaan loo qoranayana lagu doorto astaamo cilmiyeysan, sidokale tababarka ay qaadanayaana waa inu ahaada mid isku mid ah, si looga bad baado iskhilaaf fikradeed oo so kala dhex gala, tusaale  ahaan sanadihii hore ciidamada soomaaliyeed qaarba waxa lagu so tababaray ugandha qaarna kenya halka kuwo kalena lagu soo tababaray dalka sudan, waxaana iska cad in dal waliba uu leeyahay qaab asaga u gaar ah oo ciidamadiisa u tababarto, sidaa darteed waxaynu aragnay askar kawada tirsan hal guuto isku dhar wada xiran, laakiin wax walibana ay ku kala   duwanyihiiin xita qaab socotkooda,qaabka qoriga u sitaaan iyo sida salaanta usaaraan, sidokale waxaana aad u adkaa inay kawada dagaalaman hal jabhad, marka cid waliba oo isleh aan xoogag melatari dhisano  waxan kula talaniyaa arinta tababarka inay kafiirsadaan.

-Qalab ciidan oo casri ah: dowladaha qaarba waxay gaareen inay ayagu samaystan dhamaan noocyada qalabka ciidan uu ubaahnaan karo,waxay leeyihiin xaruumo iyo warshado lagu sameeyo, halka kuwo kalena aan awooda sida ah aan lahayn oo qalabka  kasoo iibsadan dowladaha, iibsigaasna wuxu ku xiranyahay hadba sida xiriirkooda yahay,iyo noocyada qalabka banaan in dowladda dowladaha kale ka iibiso, dowlad kasta oo kamid ah dowladaha hubka iyo qalabka ciidanka soo saara waxa ay leedahay qaanuun kusaabsan noocyada banaan inay iibiso iyo ku aan banaaneyn in laga iibiyo dowladaha kale.

Hadaba cidii doonaysa inay wax dhisto waxa horyaala labo arimood mid, inay soo iibsato qalabka ciidanka, ama  inay isku daydo sidii ay kusamaysan lahayd , waxaana u haboon in labada arimood la isku darsado.

Sidokale waxa muhim ah in ciidanka sifiican loo daryeelo wax walibana loo fudadeeyo sida mushaaraadkooda, caafimaadka, waxbarashada,jiifka iwm.

Malatariga marka laga soo tago waxa muhim ah in ladhiso XOOGAGA AMAANKA kuwaas oo shaqadoodu tahay ilaalinta amaanka gudahah dalka, intaa waxa soo hoos galaya ciidamada booliska qaybihiisa kala duwan, kuwaasna waxa fiican in laga hagaajiyo dhanka tababarka , dhaqanka wanaagsan, dabeecad fiicanaaan, dulqaad badan, iwm.

Sidokale ayaguna waa in loo fidiyaa dhamaan adeegyada ay ubaahanyihiin.

Dhamaan qaybaha kala duwan oo ciidanka uu leeyahay waxa muhim ah inay lahaadaan xaruumo ama xerooyin milatari, halkaas oo loogu dhisayo meelo laseexdo, masjid ay kutukudaan looguna qabanayo muxaadarooyin inta badan kusaabsan shaqada ay hayaan iyo in laga dhiso dhanka diinta iyo akhlaaqda wanaagsan, sidokale waa in meesha loogu dhisaa meelo lagu akhristo dhamaan noocyada cilmiga kala duwan sida maktabadaha, iyo inu leeyahay ciidanka koox taqaano sida loo soo bandhigo ama loo jilo riwaayadaha noocyadoodo kala duwan.

Dhamaan waxaan soo sheegnay samayntooda suurta gal manaqonayaan ayadoon loo hayn dhaqaalo kufilan, dhaqaalaha dowladaha laga keenayana intaas oo idil laguma qaban karo, hadaba waa in arinkii dhaqaalaha aan oga hadalnay qaybtii hore qormadan la soo adkeeyaa marka hore si ay inoogu fudadaato dhismaha ciidan qaran, sababta oo ah dad ciidan loo qorto waa ay joogan wadanka, tababar fiicana wa la helayaa iyo qalab casri ahba laakin wax yaabaha ay inooga xirantahay waa dhaqaale, waa in taasi maskaxda lagu hayaa.

Waxaa iga afeef ah inaan qormadan kuso wada qaadan dhamaan wax yaabaha muhimka ah  marka ciidan qaran ladhisayo, sababtoo ah waxan kabaqayaa inu maqaalka si dheeraado kadibna adkato akhrintiisa, sidaa darteed waxan kubaaqaya in arinka laga sameeyo cilmi baaris lagu doonayo sidii lagu heli lahaa ciidan qaran oo sax ah.

Sidaan soo sheegayna waa sida aan anigu wax u arko, qof waliba iyo siduu wax u arkana waan soo dhawaynayaa.

Mahadsanid.

Lasoco qaybta ugu dambaysa ee qormadan.

W/Q: Faysal Mustaf Omar

Khartoum-Sudan.

E-mail: inamustafa5@hotmail.com—————faysal_141@hotmail.com.

Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com

Email: Ishabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

Free WordPress Themes
Free WordPress Themes
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology