Hey’adda UNHCR oo ka Hor Timid in Netherland laga Masaafuriyo Qaxootiga Soomaalida

Posted by on Feb 22nd, 2013 and filed under KEYDKA SAWIRADA IYO XULKA WARARKA, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Hay’adda Qaramada Midoobay ugu qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa ugu baaqday dowladda Netherland in aysan  dadka Soomaalida ah u masaafurin koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya oo ay ku jirto caasimada magaalada Muqdisho, illaa inta ay xaaladda amaanku ay ka noqeyneyso mid laysku halayn karo.

UNHCR ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay kaddib markii saraakiisha dowlada Netherland ay diideen inay qaxootinimo u aqoonsadaan laba nin oo Soomaali magangaliyo doon ah, kuwasoo ka yimid magaalada Muqdisho, waxayna saraakiishu shegeeen inay dib ugu celinayaan dalkooda.

Maxkamad ku taalla dalka Netherland ayaa 19-kii bishan Feberaayo amartay saraakiisha dalkaas inay joojiyaan dib u celinta labada qof ee Soomaalida magangelyo doonka ah, waxayna soo saartay go’aan dib loogu dhigayo dacwadaasi.

UNHCR waxay kula talisay waddamada kale ee doonaya inay qaxootiga Soomaalida dib ugu celiyaan Koonfurta iyo Bartamaha dalka inaysan khatar gelinin naftooda.

Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com

Email: Ishabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

Free WordPress Themes

Free WordPress Themes
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology