Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Maxamuud Dalab oo dalka Dib ugu soo Laabtay Kana Warbixiyay Safarkiisa

Posted by on Feb 22nd, 2013 and filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Wasiirka ganacsiga iyo warshadahada Xukuumada Federaalka Soomaaliya Maxamuud Axmed Xasan (Dalab) oo dalka dib ugu soo noqday  ayaa ka warbixiyey shirweyne uu kaga qeyb galay magaalada Roma ee caasimada wadamka Talyaaniga.

Maxamuud Axmed Dalab ayaa sheegay inuu kulamo la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan dowlada talyaaniga intii uu ku sugnaa magaalada Rome eee caasimada Talyaaniga  wuxuuna sheegay inuu qudbad dheer ka jeediyey shirka ka dhacay Talyaaniga oo diirada lagu saarayey sidii ganacsatada Talyaanigyu ay maalgashi ugu samaynsan lahaayeen wadanka Soomaaliya oo xligan kasoo kabanaya colaadihii sokeeye.

Wasiirka arimaha dibada wadanka Talyaaniga Gulio Terzi oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka qeyb galay shirkaas ayaa daboolka ka qaaday in dowlada Talyaaniga ay soo celineyso doorkii ay ku lahayd ganacsiga iyo maalgashiga dalka Soomaaliya isla markaane ay dhaqaale badan galin doonaan mashaariic ay damacsan yihiin ka fuliyaan gudaha  wadanka Soomaaliya.

Xiriirka diblamaasiyeed ee wadanka Soomaaliya ayaa soo hjagaagay tan iyo wixii ka danbeeyey doorashadii Taariikhiga ayahd ee ka dhacay magaalada Muqdisho taasoo mirihii ka dhashay ay noqdeen dowlada Federaalka Jamhuuriyada Soomaaliya.

Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com

Email: Ishabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

Premium WordPress Themes
Advertisement

Recently Commented

Archives by Tag

Premium WordPress Themes
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology