Madaxweyne Barack Obama iyo Laacibka Weyn ee Tiger Woods oo Ciyaar Xiiso Badan Dhexmartay (SAWIRRO)

Posted by on Feb 22nd, 2013 and filed under CAYAARAHA, KEYDKA SAWIRADA IYO XULKA WARARKA, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa arbacadii doraad, ciyaar saaxiibtinimo la yeeshay ciyaaryahan ka mid ah kuwa ugu laacibsan ciyaarta Golf-ta ee aad ay u ciyaaraan dadka maalqabeenada iyo xidigaha u badan ee dunida.

Sida ay ku warameen qaar ka mid ah warbaahinta dalka Maraykanku ciyaartan oo ahayd mid xiiso badan, isla markaana aanay ka muuqan wax muqiinin iyo xamaasad aad u saraysa ah, ayay Fooda isku dareen, Madaxweynaha Maraykanka, Barack Obama iyo laacibka Tiger Woods.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama oo markii ciyaartaasi soo gaba gabowday ka hadlay ayaa sheegay, in ay ahayd ciyaar degan oo dhinacna aanu dhinaca kale culays iyo baqo galin ku hayn, laakiin ay ahayd mid la saaxiibtinimo ciyaarayo oo soo dhawayn badani ku jirto.

Madaxweyne Obama ayaa si cad u qiray in ciyaar yahanka Tiger Woods oo ka mid ah raga ugu ciyaarta sareeya dunida, aadkana loogaga danbeeyo Golf-tu aanu marnaba si dhabb ah ula ciyaarayn, laakiin uu tix galin siiyay kuna dedaalayay sidii ay ciyaar labadayadaba xiiso noo leh ay u noqon lahayd.

Laacibka Tiger Woods oo isagu ka mid ah dadka ugu xariifsan ciyaartan sida looga badiyaana ay aad u adag tahay ayaa sheegay in ciyaartani aanay ahayn mid dhinacna inuu badiyo aanu ku doonayn, laakiin ay ahayd mid si caadiya loo wada ciyaarayo wax natiijo ahna aanay midkood xiise u hayn, waxa uu xusay inuu gabi ahaanba badalay qaabkii uu ciyaari jiray oo sheekada u rogay sidii qof labadiisa gacmood ku kala ciyaaraya oo kale.

Obama ayaa aad u jeccel ciyaaraha noocyadooda kala duwan, waxaanu ciyaara kubada kolayga, sidoo kale waxa uu ciyaarta Golf-ta kaga adkaaday Jim Crane, oo ka mid ah maalqabeenada waaweyn ee dalka Maraykanka ee aadka u xiiseeya ciyaartan usha madaxa hore birta balaaran ku leh iyo kubada yare ee cad lagu ciyaaro.

Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com

Email: Ishabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

WordPress Blog
WordPress Blog
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology