Gudoomiye Muungaab oo Digniin Culus u Jeediyay Saraakiisha sii Daaya Maxaabiista

Posted by on Feb 22nd, 2013 and filed under KEYDKA SAWIRADA IYO XULKA WARARKA, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida ay digniin culus u dirrtay saraakiisha ciidamada dowladda, gaar ahaan sida ay maxkamadu sheegtay kuwa caadeystay in ay xabsiyada ka sii dayaan maxaabiista u xirin danbiyada kala duwan.

Guddoomiyaha maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida Jen Xassan Maxamed Xusseen Muungaab oo warbaahinta la hadllayay in wax loo dulqadan karo aheyn in saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda iyaga oo adeegsanaya darjadooda ka sii daayaan xabsiyada loo heysto maxaabiis ah oo la xukumay.

‘’Iyadoo la fulinayo amarka madaxweynaha waxaan halkan digniin culus uga direynaa saraakiisha caadeystay in ay falalkaas ku kacaan, ciqaab adag ayuu mari doonaa qof kasta oo lagu helo arintaa iyada ah,’’ ayuu yiri Jen Muungaab.

Waxaa uu sheegay in sarkaal kasta oo sii daaya ama xabsiga ka fasaxa qof danbiile ah uu gali doono booska qofka uu sii daayay laguna qaadi doono wixii danbi ah ee uu lahaa qofka uu xabsiga ka fasaxay.

Maalintii shalay ayeey aheyd markii ay maxkamada ciidamada qalabka sida dil toogasho ku fulisay sadax askari oo mid ka mid ah uu ahaa sarkaal labo xidigle ah kana tirsnaa ciidamada xoogga dalka Soomaaliya kadib markii lagu helay in ay si bareer ah u dilleen muwaadiniin Soomaaliyeed.

Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com

Email: Ishabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

WordPress
Advertisement

Recently Commented

Archives by Tag

WordPress
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology