Waxaad kusoo dhowaataa qeybtii shanaad ee Warbixinadii aan Kaga Faalooneynay Mashruucii Caanka ahaa ee Sonkorta Mareerey.
Qeybtii afaar waxay noojoogtay in Sheybaar lasameyey ayaa sijoogto ah loogu baarayaa cusbada kujirta ciida ama carrada iyo inta ay la egtahay si lolasocdo biyo waraabinta waxaa laga keenay qalabka makiinada mashruuca wadanka ingiriiska magada muqdisho waxay noqotay isku xirka meesha uu kasocday dhismaha marshuuca inkastoo oo uu xariirka uu xumaa ayaa waxaa uu dhaamey xariir la”aan .
Manta qeybtaan shanaad waxay kubilaabanaysaa sidan soo socta.
Markii uu dhamaaday dhismihii warshada sonkorta ee mareeyey oo waqti badan qadatay dhisitaankeeda iyo in lahelo shaqaalihii kashaqeylahaa warshada sonkorta oo aheyd waxyaabihii ugu horeyey ee ay qabtay dowladii kacaanka inkastoo ay mashaaric badan ay sameyeen laakin warshadaan waxay aheyd waxyaabihii ugu hereyey ee u qabsoomeyey iyagoona kaashinaayey ama gacan kuhelaayey dowlado saaxiibo weyn la aheyddowladii dhaxe ee soomaaliya .
Bishii (may) sanadkii markuu ahaa 1980kii Waxaa lagu soogaba gabeeyey dhismaha warshada oo ay qaadatay in aan kabadneyn labo sano waxaana labilaabayaa soo saaritaankii sonkorta .
Waxaa ay soosaarijirtay warshada sonkorta ee mareerey maalintiiba 3,400 tan oo sonkor ah waxaa larajeynaayey in kolka lagaaro waxsoosaaritaanka buuxa ee warshada in ay soo saarto ( 70,000tan) sonkor ah sanadkiiba.
Waxaa si rasmi ah ufuray warshada hoghaya guud ee xisbiga xanti wadaaga kacaanka soomaaliyeed iyo madax weynaha jamhuuriyada dimoqoradiga ee soomaaliya maxamed siyaad bare oo aad u xiiseenaayey inuu arko go’aankii ugu horeya ee mashruca oo ahaa maal gilintii ugu weynayd ee dalka .
Intaas kadib waxaa xooga lasaarey tabarada shaqaalihii kashaqeyn lahaa warshada oo ay isugu jireen shaqaalaha kuwo lagu taba baraayey wadana dibadiisa iyo gudahiisa intaba.
Waxaa labilaabay in lasoo gooyo qasabkii labeerey oo lagaarey waqtigiisa waxaana soo goo jerijiray waabigii silo keeno warshada waqti hore ee maalintiba.
Tan iyo markii uu bilowday mashruuca waxaa yaraa shaqaalihii kashaqeynaayey mashruuca waxaana loobaahaday dad badan oo kashaqeya mashruuca in kabadan dadkii deganaa tuulada mareerey.
Intaas kadib waxaa sitoos ah ubilaawatay inlabeero qasabkii laga sameynlahaa sonkorta oo loodiyaariyey dhul balaan oo lagu beero qasabka .
Qasabka markii lagooyo waxaa beeraha lagaga sooqaadaa baabuur loodiyaariyey si ay ugeeyaan warshada oogu sameeyo sonkor oo wax yer kafogeyd mesha ay kutaalo warshada sonkorta.
Waxaa isku xariirisa wado sonkoreed gaareysa 30-Km ayaa isku xirta beeraha lagu beerey qasabka iyo meesha ay kutaalo warshada sonkorta .
Wax Marka ay lakeeno qasabka warshada baabuurta waxaa kadejiya wiish kadibna waxaa lasaaraa jaran jaroo oo iyada usii gudbisaa midkale kadibna waxaa loosiigudiyaa qolka midiyaha ee warshada oo kaibna mindiyaha way jeexjeexaan qasabka waa shaqo aad ubadan oo aan inta aan kusookoobikarin waaye qaabka loogu dhigo qasabka sokorta ooan hal maqaal aan lagu sookoobikarin .
Sonkortii ugu horeysayee ay soosaartay waxay aheyd bishii july sanadkii 1980kii mudo ay kasoowareegatay markii lasaxiixey mashruuca labo sano iyo 11biloodayaa lasoosaarey sonkortii ugu horeysay ee mashruuca waxaan ay aheyd mid tijaabo ah sonkortaas.
Waxaa (3September)sanadkii 1980kii waa maalintii lafuray warshada waxaana xooga lasaarey in lahelo waxsoosaar buuxa siloohelo in lasoosaaro sonkor kufilan wadanka guud ahaan.
Ugu danbeen waxaan idin leeyahay waxaa meesha ku eg ama kudhamaday Warbixinadii aan Kaga Faalooneynay Mashruucii Caanka ahaa ee Sonkorta Mareerey oo aan waxbadan aan kusooqaadanay isbuucayadii lasoodhaafay.
“Baahida aan reebnee Dhulku waa Barwaaqee aan beero falano” .
Waxaa Diyaariyey Aadam Abdi ishak (Gentleman)
Khabiir Dhinaca Beeraha iyo Deegaanka.
Email: Aadamyare11@hotmail.com
Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com
Email: Ishabaydhaba@hotmail.com