MARKII HORE DARAAWAL AYUU AHAA!! (MAQAAL ) BY: FAYSAL MUSTAFA OMAR

Posted by on Feb 2nd, 2013 and filed under Af-Somali, KEYDKA SAWIRADA IYO XULKA WARARKA, MAQAALO, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Waa qof  dhalinyara ah, heerkiisa wax barasho ma dhaafin dugsiga sare, fursad uma helin inu jaamacad dhigto,waayo reerka oo idil asagaa u waynaa, asagaa laga sugayaa  biil,dawo,cuno,dhar iwm, wadankiisana shaqo fiican oo intaas oo idil kaheli karo kama jirto, sababtoo ah  wadankiisa shaqo la’aan baahsan ayaa kajirto.

Muddo kadib wuxu go’aansaday inu wadanka katago, wuxu aaday dal kamid ah dalalka gacanka carbeed(khaliijka), wuxu codsi u qortay sharikado fara badan, si uu shaqo oga helo, maalin maalmaha kamid ah ayaa waxa looga wacay sharikad kamid ah kuwii asaga codsiyada u qortay, si waraysi(interview) loola yeesho, waxa wax laga waydiiyay heerkiisa waxbarasho, wuxu usheegay inu dugsi sare dhaafsiisnayn, waxaa lagu yiri ‘’  mar haddii heerkaga wax barasho sida yahay shaqo fiican oo qof dhalin yaro sidaadi oo kale ah u qalanta kuma heli karno

Islamarkiiba wuxu ku yiri “” anigu muhim iima ahan inay iiqalanto iyo inkale, waxa muhim ii ah inaan shaqo reerkayga iyo nafsadayda biil oga helo inaan helo””!!!

Waxa lagu yiri “ waayahayee maxa xirfad ah aad leedahay?””. Wuxu usheegay inu yaqaano sida gawaarida loo kaxeeyo.

Imtixaan yar ayaa laga qaadayay,  lagu ogaanayo inu sifiican u yaqaano kaxeenta gawaarida, kadib waxa si rasmi ah uga mid noqday daraawalada sharikadda, dharkii daraawalada khaaska u ahaa oo sharikadda astaanteeda ka muuqato ayuu xirtay shaqadii ayuu bilaabay.

Muddo gaaban, gaaraysa sanad markuu shaqadaan waday, ayuu habeen habeenada kamid ah meel gooni ah fadhiistay, wuxu bilaabay inu naftiisi lasheekaysto, su’aalo dhowr ah iska waydiiyay xaalkiisa iyo mustaqbalkiisa sidu u hormarin  laha.

Wuxu go’aan ku gaaray in shaqadaan laba sano kadib   kawareego oo mid kafiican u wareego, si ay arinta ugu suurta gasho wuxu bilaabay inu nafsadiisi kadhiso dhanka aqoonto, in maalintii  saacad iyo bar wax akhriyo, lacagtiisi qayb kamid ahna u qorsheeyay inu buugaag kuso iibsado, wuxu diiradda saaray inuu  barto mid kamid ah luuqadaha caalanmiga ah, sanad iyo bar markuu isku waday shaqadii iyo barashadii luuqadaa, ayuu wuxu bilaabay in shaqo kale meelaha kafiir fiiriyo, maalin maalmaha kamid ah wuxu is yiri bal soo fiiri meelaha ay sharikadda uu isaga ushaqeeyo kuso dhajiso waraaqaha kusaabsan ogaysiisyada, ogaaysiisyadii wuxu kudhex arkay ogaysiiskan:

sharikaddu waxa kabanaan shaqo tarjumaan ah, waxana loo baahanyahay qof yaqaana luqadaha caalamiga ah mid kamid ah, fadlan qofkii shuruudahas kaso bixi kara hala xiriiro xafiiska shaqaalaysiinta sharikadda”!!!

Aad iyo aad ayuu ugu farxay fursadaan, waayo dhamaan shurudaha wuu kaso bixi kara, qofka loo bahanyahay waa qof yaqaan luqadahaas mid kamid ah.

islamarkiiba wuxu aaday xafiiskii shaqalaysiinta, wuxu usheegay inu kamid yahay darawalada sharikaddan, hadana uu doonayo in tan tarjumaada ah lasiiyo oo midda daraawalnimada laga cafiyo, waxa lawaydiiyay in luqada la rabo sifiican u yaqaano iyo inkale, wuxu usheeegay inu diyaar u yahay in imtixaan laga qaado.

Imitxaankii aya laga qaaday asaga iyo kuwo kale oo shaqada soo codsadayba, natiijadii aya so baxday, wuxu noqday qofka ugu horeeyay ee imtixaanka kubaasay, qof hore sharikadda ugu shaqeeyana wuuba ahaaye, isla markiiba dharkii daraawalnimada ayaa laga badalay, shaqadii tarjumaada ahaydna inu hore kabilaabo aya lagu amray.

Qisadan waa qiso dhab ah , waxay inu muujinaysa in qofka uu gaari karo meelo sare, waa haddii arinkaas asaga go’aansado kana shaqeeyo inu gaaro, sidokale waxan dalkan suudan ku arkay qof markii hore jaamacad waardiye ka ahaa kadibna isla jaamacaddii kanoqday maamulaha jamacadda.

Qof waliba wuxu mar waliba kufakarayaa inu qof sare noqdo, nolasha guul wayn ka gaaro, laakiin waxaa aad u yer inta kashaqaysa in riyadooda xaqiijiyaan.

Mugdisho,gaar ahaan suuqa bakaaraha waxan kuso arkay qof  kuleh dabakaayad waxaana la igu yiri in muddo 15sano aan kayareen dabakaayaddan wado!!! Aad baan ula yaabay,waayo qofkaas oo kale ma rabo inuu ganacsigiisa horumariyo, sido kale isla suuqa waxan ku arkay qof dukaan xooga fiican iska leh, wuxuna iisheegay in muddo shan sano kahor uu dukaankan ahaa miis aan alaab ku gado maantana dukaan uu soo gaarsiiyay.

Hadaba haddii aan isbarbar dhigto waxa ku so baxaya in labaduba ay doonayaan inay horumar wayn gaaraan, laakiin waxay ku kala duwanyihiin in mid doonistiisa u badalay ficil(action) halka mid kale wixiisi ay soo dhaafi waayeen rabitaan iska caadi ah.

Mudane akhriste, haddii aad meel shaqaale katahay, ama aad shaqo aad adiga leedahay aad hayso waxaan kugula talinayaa inaad hormariso shaqadaada, waan hubaa haddii dhamaanteena sidaa samayno dhaqaalaha  wadanka wuu kobcayaa,dakhliga qarankuna wuu kordhayaa,wadkeenana wuu dhismayaa,sharafteenii aan aduunka kulahayna waa ay soo noqonaysaa.

Iga Filo Jimco Waliba Qrmooyin Aan Inta Badan Oga Hadlo Arimaha Umadda.

Mahadsanidiin.

Faysal Mustafa Omar.

Khartoum-Sudan.

E-mail: inamustafa5@hotmail.com—————faysal_141@hotmail.com.

Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com

Email: Ishabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

WordPress Themes
Advertisement

Recently Commented

Archives by Tag

WordPress Themes
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology