Qaban qaabo balaaran oo lagu doonayo in lagula kulmo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdigiisa ayaa waxa ay si weyn uga socotaa magaalada London ee Dalka Ingariiska.
Waxaa durbaba xalay la magacaabay gudiyo ka shaqeeya soo dhaweynta Wafdiga Madaxweynaha, gudiyadaas oo ka kooban afar qeybood oo kala ah:-
Gudiga Abaabulka, Gudiga Dhaqaalaha, Gudiga Borotokoolka iyo Gudiga Amniga.
Waxaa lagu wadaaa in Madaxweyne Xasan iyo Wafdigiisa ay Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalkaan Ingiriiska kula kulmaan habeenka sabtida Taariikhduna ay ku beegan tahay 02/02/2013 Central Hall Westminster Storeys Gate, Westminster London, SW1H, 9NH sacadu markay tahay 06:00 pm ama 18:00 pm.
Abuu Bakar Maxamed Cali oo ah Xubin ka tirsan gudiga Borotokoolka soo dhaweynta Madaxweynaha ayaa Ishabaydhaba.com u sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin booqashada Madaxweynaha iyo wafdigiisa ay ku soo gaareen dalka Ingiriiska ayna si aan horay loo arag usoo dhaweyn doonaan.
Wafdiga uu Hogaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay abaarihii 10:00 soo gaareen magaalo Madaxda dalka Ingiriiska ee London.
Xafiiska Ishabaydhaba.com
London UK
Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com
Email: Ishabaydhaba@hotmail.com


























