Haweenay Asal ahaan ka soo Jeeda Boqortooyada Sacuudiga oo u Sharaxan Madaxweyne-nimada Dalka Mareykanka 2020-ka

Posted by on Feb 1st, 2013 and filed under KEYDKA SAWIRADA IYO XULKA WARARKA, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Gabar u dhalatay dalka Sucuudiga laakiin wakhtigan ah Maraykan ayaa sheegtay inay ku talo jirto, inay isku sharaxdo doorashada madaxtinimada ee dalka Maraykanka marka la gaaro sanadka 2020-ka, iyadoo tilmaantay in ay doonayso inay noqoto haweenaydii ama qofkii ugu horeeyay ee asalkeedu ka soo jeedo Arab ee aqalka cad gaarta.

Haweenaydaan oo lagu magacaabo, Aryl Lami, da’deeduna tahay 29-jir, waxa ay ka mid ahayd muraaqibiintii sar sare ee Obama iyo xisbigiisa uga masuulka ahaa doorashadii ugu danbaysay, waxaanay waraysi suxufiyiinta ugu cad cad Maraykanku la yeesheen ku cadaysay sida ay ugu rajo wayntahay inay gaarto ama isku soo taagto madaxtinimada dalka Maraykanka.

Aryl ayaa sheegtay in ay ka tirsan tahay xisbiga Democratic-ga kaas oo ay musharaxiintiisa si wayn u taageeraysay, kuna talo jirto in sanadka 2016-ka ay taageerto, Hillary Clinton oo lagu wado in xisbigaas ay isku soo sharaxdo, laakiin ay iyadu ku talo jirto doorashada taas xigta inay isa soo taagto.

Gabadhaan ayaa xustay in aanay wax taageero ah siin doonin, musharaxa xisbiga cagaaran  [Green Party] ee dalka Maraykanka, kaas oo ah Garyaqaan asal ahaan dhalashadiisu tahay Lubnaani oo lagu magacaabo, Lawyer: Ralph Nader, sababta aanay u taageerayna ay tahay fursadaha u banaan oo aad u yar iyo in aan loo saadalin karin inuu guulaysanayo sida ay sheegtay.

Gabadhaan oo la waydiiyay haddii ay ku guulaysato hamigeeda oo laba doorto waxa ay samayn doonto, ayaa sheegtay in ay aad uga shaqayn doonto dhinaca arrimaha gudaha Maraykanka oo ay samayn doonto sanduuq, loogu qaaramo dadka darbi jiifka ah ee Maraykanka iyo dadka saboolka ah ee aan lahayn hoy ay ku noolaadaan.

Gabadhaan ayaa sheegtay in waxyaabaha ay ku hamiyayso ay ka mid tahay sidii dadka aqoonta leh ee Maraykanka ah, loogu samayn lahaa shaqo wanaagsan oo loo joojin lahaa inay uga hijroodaan dalkaas waddamada Eeshiya sida hada taagan ayay tiri, dhinaca arrimaha dibada waxa ay sheegtay in xaalada bariga dhexe udub dhexaad u ahaan dooonto, inkasta oo ay tilmaantay inay ku rajo wayntahay in Falastiin xoroowdo ka hor inta aan la gaarin wakhti ay isa soo sharaxayso ee 2020-ka.

Aryl Lami ayaa tilmaantay in rajada is sharaxaadeeda ay ku dhalisay, kaalinta ay kaga jirto xisbiga iyo kalsoonida ay ku qabto in xubnaha xisbiga Democratic-gu ay taageerayaan sumcad fiicana ay ku dhex leedahay oo aanay wax cabsi ah ka qabin gudaha xisbigeeda.

Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com

Email: Ishabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

WordPress

Advertisement

Recently Commented

Archives by Tag

WordPress
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology