Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi sare uu hogaaminayo ayaa xalay waxay soo gaareen magaalada London.
Waxaa safarkan Madaxweynaha ku wehliyo Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka ahna Wasiirka arimaha dibadda iyo iskaashiga Caalimiga Dr. Fawsiyo Yusuf Xaaji Adaan,Wasiiru Dowlaha Madaxtooyadda Faarax Sheekh C/qaadir, la taliyayaasha Madaxweynaha, iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.
Madaxweynaha booqashadiisa ayaa imaanayso kadib markii ay dowladda Ingriiska casuumaad rasmi ah u fidisay, Madaxweynaha ayaa wuxuu la kulmi doonaa Ra’iisal Wasaaraha Britain David Cameron iyo madax kale oo ka tirsan dalka Ingriiska.
Safarka Madaxeyne Xasan Sheekh ayaa wuxuu qeyb ka yahay safarro kala duwan oo dib loogu soo nooleynayo xiriirka Soomaaliya ay la leedahay Beesha Caalamka.
Xafiiska Ishabaydhaba.com
London UK
Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com
Email:Â Ishabaydhaba@hotmail.com




