Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole oo shalay galab ka hadlay shir uu yeeshay xisbi dhawaan laga furay deegaanada Puntland oo uu Guddoomiye ka yahay laguna magacaabo Horseed ayaa sheegay in riyadii Puntland ee aheyd in loo gudbo nidaamka Axsaabta badan ay rumoowday isagoo xusay in mudda uu xafiiska joogay uu wax weyn qabtay isla markaasna uu ka shaqeeyay dhamaystirka dastuurka, sugidda amaanka, dhisidda ciidamada iyo ka qeyb qaadashada siyaasadda guud ee Sooomaaliya.
“Anagaa durbaanka tunay oo xisbiyada niri hala furto, waanu soo dhaweynaynaa xisbi kasta oo la furo” ayuu yiri Faroole oo intaas ku daray in haddii laga guuleysto doorashada soo socota ay ku wareejin doonaan xisbiga kale ee soo baxa, Soomaaliya wixii kala gaaray wad ogtihiin waa xasuus xun oo murugo leh wixii dhacay 1991-dii, wax la is xasuusiyo oo dad lagu gubaabiyo ma ahan laakiin haddana wax la ilaawi karo ma ahan” ayuu yiri Madaxweynuhu oo ka hadlayey dhibaatadii Soomaalia ka dhacday burburkii dowladdii hore ka dib, sida hadda wax lagu wado raali kama nihin” ayuu yiri Faroole oo dhinaca kale sheegay inay lagama maarmaan ay tahay in la dhowro dastuurki maskaxda iyo wakhtiga badan la geliyey ee ku dhisnaa nidaamka Federaalka ah.
Mar uu ka hadlayey aqoonsiga Mareykanku siiyey Soomaaliya ayuu sheegay inay aheyd wax loo baahanaa balse aysan aheyn ictiraaf, taas oo uu ku sababeeyay in Soomaaliya aan marna la gelin shaki madaxbanaanideeda, wuxuuna yiri “Dowladda Soomaliya hadda KMG ma aha dasturka unbaa KMG ah, kamana yeelayno dowladda Soomaaliya inay wax iska bedesho iyadoon cidna la tashan, madaxda Soomaaliya haday waa saxaan raali baan ka nahay, hadayse keligood wax isku kobaan oo aysan racin dariiqa toosan raali kama nihin anagana waxbaa noo qoran” ayuu yiri C/raxmaan Faroole.
“Cadaadiska dowladdii Milateriga aheyd ee dalka soo martay waa loo wada sinnaa marka la eego gobolada Puntland oo gaariwaa la oranjirey xilligaas Somaliland iyo Kuunfurba dadbaa dameeray magac ku qoreen dil toogsho ah loogu xukumi jiray, wuxuu ahaa maamulkaasi mid dadka iyo dalkaba u daran, sidoo kale arrintii ka dhacday gobolada Waqooyi waxa weeye wax laga murugoodo laakiin ma ahan in laga badbadiyo, madaxa federaalka ka tirsan oo aan dooneyn inaan halkan ka sheego magacyadooda baa waxay yiraahdaan waxba yaan colaadii hore laga sheekayn, waxanse leeyahay wax la qarinkaro ma ahan, waaana sheegaynaa kana aamusi meyno illaa raali gelin laga bixiyo dadkii la xasuuqay hantidii la dhacay, anigu 2 guri baan ku lahaa Koonfur haddana waan iska iibiyey oo guriyaan ku leeyahay Garoowe ayuu yiri Madaxweynaha Puntland faroole.
C/raxmaan Faroole wuxuu sheegay in Puntland xilli walba ay u taagantahay sida uu yiri midnimada iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed waligeedna ay jidkaasi hayndoonto haddaan laga leexin sida uu yiri, Faroole wuxuu kaloo sheegay in dowladda Soomaaliya dastuurkii lagu soo doortay laga unkay deegaanada Puntland siiba Garoowe oo ay madaxdii dowladii KMG aheyd ay yimaadeen, wuxuuna sheegay Faroole Puntland inay ka go’neyd in Federaaliisimka la hirgesho hase ahaatee laga yaabay qaar ka mid ah madaxdii xilligaas jirtay inay doonayeen in waqti loogu daro sida uu C/raxmaan Faroole hadalka u dhigay.
Ashraf Macalin Nuur
Xafiiska Ishabaydhaba.com
Muqdisho Soomaaliya
Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com
Email: Ishabaydhaba@hotmail.com