Kulamo adag ayaa ka soo baxay wareega 8-da ee koobka qaramada Afrika, waxaana kulanka ugu adag ilaa iyo haatan lagu tilmaamayaa marka ay isku dhacaan Ivory Coast iyo Nigeria.
Ivory Coast ayaa kaalinta koowaad kaga soo baxday group-keeda D halka Nigeria ay kaalin labaad kaga soo baxday group C taasoo keentay inay isku beegmaan labadan xul ee waa weyn.
Xulka martigelinaya koobkaan ee South Afrika ayaa isna wareega 8-da waxa ay qaabili doonaan xulka Mali, South Afrika oo si xun ku bilaabatay koobkaan ayaana ugu danbeyn ku soo baxday kaalinta koowaad ee Group A.
Xulka Ghana ayaa iyagana waxa ay geesaha isgelin doonaan xulka ku cusub tartankaan ee Cape Verde oo si lama filaan ah kaga soo baxay Group A.
Burkina Faso iyo Togo ayaa iyagana ah xulalka ugu danbeeya ee isku dhacaya.
Wareega 8-da koobka qaramada Afrika waxa uu bilaabanayaa 2-da bisha Febraayo waxaana maalintaas ciyaari doona
Ghana v Cape verde
South Afrika v Mali
3-da Febraayo waxaa ciyaari doona xulalka:-
Ivory Coast v Nigeria
Burkina Faso v Togo
Ishabaydhaba.com
Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com
Email: Ishabaydhaba@hotmail.com