Mareykanka oo Faransiiska ka Taageeraya in ay Shidaal Hawada ku Siiyaan Diyaaradahooda ka Dagaalamaya Dalka Mali

Posted by on Jan 30th, 2013 and filed under KEYDKA SAWIRADA IYO XULKA WARARKA, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Afhayeenka Wasaarada Gaashaandhiga Maraykanka (Pentagon) Mr. George Little, ayaa  shaaca ka qaaday in rasmi ahaan wasaarada gaashaandhiga ee dalalka Maraykanka iyo Faransiisku iskula gaareen heshiis diyaaradaha Maraykanka ee shidaalka qaadaa, hawada ku siin doonaan kuwa Faransiiska ee ka dagaalamaya waqooyiga dalka Mali.

Afhayeenka wasaarada Gaashaandhiga dalka Maraykanka George Little, oo ka hadlay xarunta (Pentagon), ayaa yiri, wasiirka gaashaandhiga Maraykanka, Leon Panetta, markii uu telefoon kula hadlay dhigiisa dalka Faransiiska, Mr. Jean-Yves Le Derian, waxa uu ogolaaday in Maraykanku ka caawiyo Faransiiska ciidamadiisa cirka ee ka dagaalamaya dalka Mali, shidaalka oo ay u diraan diyaarado hawada shidaal ku siiya.

Ciidamada Faransiiska ayaa dalka Maali ka bilaabay faro galin milatari ka hor labo todobaad kadib markii kooxaha Islaamiyiinta ee xooga ku qabsaday waqooyiga dalkaasi ay ku hanjabeen inay qabsan doonaan caasimada dalkaas ee Bamako oo koonfurta dalkaas ku taala, waxaanay taasi soo dedajisay in faro galin ciidan lagu sameeyo kadib markii kooxahaasi si cad u sheegteen inay xiriir la leeyihiin ururka Al Qaacida.

Mas’uuliyiinta wasaarada Gaashaandhiga Maraykanka ayaa sheegay in sadex diyaaradood oo kuwa shidaalka xambaara ah, noocooduna yahay KC -135, ay diyaaradaha dagaalka Faransiiska hawada ku siin doonaan shidaal, isla markaana ka caawin doonaan saadka iyo waxyaabaha loo baahan yahay, diyaaradahan shidaalka Xambaara ee dalka Faransiiska ayaa ka kici doona maalin kasta saldhig milatari oo lagu magacaabo, Moron Air Base oo ku yaala dalka Spain.

Mas’uuliyiinta difaaca Maraykanka ayaa tilmaamay in hawlgalkan lagu taageerayo ciidamada Faransiisku socon doono, muddo bilo ah, waxaana si toos ah hawlgaladaas looga maamuli doonaa xarunta ciidamada taliska dhexe ee qaarada Afrika iyo faro galinteeda u qaabilsan dalka Maraykanka oo xaruntoodu tahay dalka Jarmalka.

Sida la sheegay waxa dalka Mali ku sugan guuto ka tirsan ciidamada Maraykanka kuwaas oo ka hawlgala caasimada dalkaas ee Bamako, waxaanay muddooyinkii u danbeeyay ka shaqaynayeen oo ciidamada Faransiiska ka caawinayeen, dhinacyada saadka iyo sahminta.

Waxa kale oo bayaanka afhayeenka wasaarada gaashaandhiga Maraykanka lagu xusay in suura gal ay tahay, in ciidamo ka tirsan Maraykanku ay tagaan dalka Mali si ay qayb uga qaataan ayaa la yiri, dejinta iyo taageerista ciidamo ka socda midowga afrika, kuwaas oo la filayo inay ka yimaadaan, dalalka Chad Iyo Togo.

Wasaarada difaaca ee Maraykanka iyo Faransiiska ayaa isku tahniyadeeyay guulaha ay ka gaareen la dagaalanka waxa ay ugu yeereen argagixisada, gaar ahaan kooxaha ka tirsan ururka Al Qaacida ee ka dagaalamaya dalka Mali, sida lagu sheegay bayaanka wasaarada gaashandhiga dalka Maraykanka.

Cumareeto

Ishabaydhaba.com

Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com

Email: Ishabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

Free WordPress Theme
Advertisement

Recently Commented

Archives by Tag

Free WordPress Theme
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology